maandag 12 juli 2010

Faallo: Dacwad Madaniya Oo Lagu Soo Oogay Eedaysane Cabdi Xoosh Xashiish



Faallo: Dacwad Madaniya Oo Lagu Soo Oogay Eedaysane Cabdi Xoosh.



Faallo(OWN)- Dacwadan maanta ka socota Maxkamaddan waxay udhaxaysaa  Cabdi Xoosh, iyo  Ururada Hooyooyinka afka Soomaaliga kuhadla, Iyo Ururka  Dalada Xayawaanka Duurjoogta ah iyo Dadla joogta.
Maxkamaddani waxay  salka kuhaysaa eedaysane Cabdi Xoosh,  xashiish,  oo aflagaado ugaystay  hooyooyinka afka Soomaaliga ku hadla. Khaasatan kuwa Somaliland .Eedaysane, Cabdi Xashiish,  Dacwoode, AY, DAMEER, DOOFAAR WARAABE,
Dhagaystayaal,  ururada haweenka, markhaati  Cabdiqaadir Nadaaro oo  ahaa fududeeyaha caydan, oo Maxkamadu ka codsatay in uu sheego wuxuu maqlayay ama arkayay.
Gudoomiyaga Maxkamadda  dacwadan qaadayaaa waa Dhidar oo ka mid ah  duur joogta wax baratay.




Dameer: Maxkamadda sharafta leh waxaan ka codsanayaa in  la ii saxeexo in cabdi xoosh, uu ka mid noqdo bahwaynta Dameerada, sababta oo ah waa qofkii koowaad ee Afsomali ku hadla ee caaya  hooyo isaga oo da'diisu tahay 75 jir,  waxaan maxkamada   horteeda kacadaynayaa oon markhaatiyo uhaysa in  uu ku kacay aflagaado xaaraaan ka ah dhaqanka muslimka , dhaqanka  dadka afka Soomaaliga ku ah.
Markii aan  joogay wadamada afka Soomaaliga lagaga hadlo, sida Somaliland Somalia, Ethiopia, Jabuuti, Kenya,  marka aan ciyo ama qayliyo dadkaasi waxay igu odhan jireen acuudu bilaahi mina shaydaani  rajiim iyaga oo cidayda igu colaadiyay.
Waxaan helay maanta Aadame sidayda Uciyi kara,  oo waliba da'diisu wayntahay, cabdi xoosh, taas oon aad ugu faraxsanahay , dadka kalana aan ka codsanayo in ay sidayda Uciyaan,aaaaa, aaaaaaaa , aaaa.
Si aanu usamayno is kasha saaxiibtinimo.
AY: Maxakamadda  sharafta leh waxaan ka codsanayaa in cabdi xoosh   la igu soo wareejiyo,  waxaan cadaynayaa in uu yahay geesi, sameeyay wixii aadamugu ka xishoon jira, xaqna uleeyahay in uu qaato dhalashada AYDA,  Maxkamada waxan ka codsanaya inta uu utababaranayo sida aygu u ciyo, in loo sameeyo astan ay xayawaanka kale kaga leexdaa.
DOOFAAR:  Maxkamadda sharafta leh waxaan ka codsanayaa in  nalagu soo wareejiyo  cabdi xoosh,  waxaan  kufaraxsanayay, iyada oo dadka afka somaliga ku hadlaa isku caayan, doofaar yahaow , hadana in aan manta helnay mid dhaqan kii doofaarka leh,  ninkani ma ku sii dhex noolaankaro  dadkan sidan u aflagaadada badan wuxuu siigaya  xuquuqdiisii aasaasiga ahayd.
WARAABE:  Maxkamadda  sharafta leh waxaan ka codsanaynaa  in ay nagu soo wareejiso, cabdi xoosh,  waayo anaga ayuu noo eegyahay, hadii loo baahdana  DNA, hanalooga qaado,  dadka afka somaliga ku hadlaa aad bay noo neceb yihiin  hadaani nahay waraabayaasha, in kastuu 10  waraabe naga dilay  bari uu darawal ahaa, oo dhuxusha soo guri jiray, lakiin wan saamaxday maadaama  uu nagu soo biirayo.
CABDI XOOSH:  Maxkamadda waxaan ka codsanayaa in dacwadayda loo wareejiyo maxkamadaha  dadku dacwadooda ku qaatan,  anigu waxaan ahay nin lacag leeya, waxaan ahaaan jiray nin muxtarim ah oo lawada yaqaano,  waan kaxumahay aniga oo madaxwayne isu sootaagaya  in xayawaan igu murmo.
Waxaan  ka loo dacwadan  kaga soo horjeeda tv ga universal in uu yimaaday ahayd, in kastoo  xayawaankan  idacwaynayaa  aanu  afsomaliga fahmayn.
MARKHAARI: Nadaara,  anigu waxaan  halkan kacadaynayaa in uu  Hooyooyin caayay,  sababta  aan barnaamijka ugu casuumayna waxay ahayd , wuxuu ii balan qaaday in uu iifurayo Rayiisle,   kadib  markii aan ka codsatay  in uu iiqalabeeyo meel aan kafurto Timajare, waayo anigu waxaan ahaan jiray  nin dadka Timaha ujara.
Maxkamada waxaan ka codsanayaa , intaanay  kuwareejin  cabdi xoosh xayawaaankan duur joogta ah in ay iiga qaado  xoosh lacagtii   aan timaha ugu soo jaray , gurigayga ayuu iigu iman jiray wuxuuna ka helay  sida aan shaqadan u kasayo.
HOOYO: Maxkamadda  waxaan ka codsanaynaa in  lasiidaayo xoosh,  hooyadu waxay dhashay Fariid , Doqon, Geesi , Axmaq,  hooyadu waxay  dihatay   geesi kasta oo guul gaadha,  waxaan ugu danbi dhaafaynaa , hal abuurka afsoomaaliga  ku hadlaa wuxuu nagu amaanaa , qiimaha aaan bulshada ku dhex leenahay.
Ninkani  waa nin wayn  hooyaaa dhashay walaal buu leeyahay , gabdhuu dhalay, wuu qabaa,  anagoo eegayna naxariiska ilaahay nasiiyay  gudoomiye waxaan si sharafleh kaaga codsanaynaaa wax kasta  oo nalagu caayo  waxaa naga bogsiinaysa,  heesii hadraawi ee ahayd, HOOYAY LA AANTA  HOY LAMA GALEENOO, sidaas darteed  waan cafinay, waayo geesi iyo doqonba hooyaa dhashay.
Gabogabo, dacwadii madaniga ahayd. Ee  xoosh iyo Xayawaan, udhaxaysay
Gudoomiye  dhidar,
Maxkamadu markay  dhagaysatay muducigii  iyo mudaacaligiiba. Kadib markay dhagaysatay markhaatiyadii , oo ahaa nadaara, waanin kii caydan fududeeyay,  hooyooyinkii,  ururkii dalada xayawaanka duurjoogta ah iyo kan dad la joogta ah.
Kadib markii maxakamdu eegtay , qodobada  34 iyo 67  farqadooda 12  iyo 9 .
Kadib  markay dib u eegtay dacwadan  oo wadan greega qarnigii  17 tobnaad lagu qaaday.
Maxkamdu markay daristay gabagabadii dacwadan ,  waxay  xukun  kuriday  Cabdi Xoosh.
Maxkamadu markay daristay gabagabadii dacwadan ,  waxay  xukun  kuriday  xoosh,



Xoosh waxay maxakamadu ku xukuntay in uu  kubiiro xaqna uleeyahay in uu dameer noqdo,



Waxay kalo ku xukuntay in uu bixiyo lacagtii timajaraha meherada loogu furayay, cabdiqaadir nadaara.








Maxkamadu waxay dadafaysay ay, oo isna dacwadan ku  soo oogay.



 Maxkamadu waxay , hiiday  codsigii hoyooyinka.



Appleal  28 maalmood gudohoog ayaad racfaan kaqaadan kartaan dhamaantiin.







Source

A A J
Oodweynenews.com/London

Geen opmerkingen:

Een reactie posten