dinsdag 20 juli 2010

Dawladaha Ethiopia Iyo Uganda Oo Isku Raacay In Dagaal Lagu Qaado Kooxda Al-shabaab Ee Somaliya



Kampala, July 19, 2010 (W.Wararka)-dawldaha Ethiopia iyo Uganda ayaa ku dhawaaqay in dagaal lagu qaado kooxda Alshabaab, iyagoo sheegay in aanu jirin xal kale oo loola tagi karo kooxdaasi.

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi, waxa uu sheegay in xalka keliya ee Al Shabaab uu yahay in la tirtiro oo saaxada caalamka laga baabi’iyo.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii lala beegsaday dad shacab ah oo Axaddii la soo dhaafay ka dhacay Caasimada wadanka Uganda ee Kampala, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 76 qof, halka 80-kalena ay ku dhaawacmeen.

“Ma jirto wax rajo ah oo laga qabo in waan-waan iyo wadahadal lala galo kooxdan (Alshabaab), ma jiro xal kale, Waa in laga shaqeeyaa siddii kooxdan looga tirtiri lahaa saaxada caalamka” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi mar uu saraakiil ka tirsan QM kala qeybgalayey shir lagaga hadlayey isbedelka cimilida oo ka dhacayey New York maalintii Khamiistii toddobaadkii ina dhaafay.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia uu cambaareeyay dawlada Eritria oo uu ku eedeyey inay taageerto kooxda Al Shabaab isagoo dawlada Asmara ku sheegay inay la mid tahay Al Shabaab waxbana aanay is dhaamin.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa ururka midowga Afrika ka dalbaday inay u ogolaadaan Ciidankiisa in ururka Al Shabaab ay ku weerareen Magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda Yoweri Musaveni ayaa waxa uu ka codsaday ururka Midowga Afrika in ay sharciga u bedelaan ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho si ay u weeraraan fadhiisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda,Yoweri Moseveni,Waxa uu intaasi ku daray in fursad la siiyo ciidamada AMISOM weerarka ay ku qaadaan xoogaga hubaysan ay jaanis u tahay in Magaalada Muqdisho ciidamadaasi ku soo celiyaan amniga islamarkaana ay ka saaraan xoogaga sida weyn ula dagaalamaya dawladda ku meel gaadhka ah Somaliya.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Moseveni ayaa waxa uu intaasi ku daray in haatan ciidanka Uganda ay ku egyihiin oo kaliya madaarka, Dekedda, xarunta Madaxtooyada iyo fadhiisimo kale oo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, hadii loo ogolaado inay weerar tagaan ay fursad u tahay inay baabi’iyaan kooxda AlShabaab.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweynaha Uganda ku celceliyay inay doonayaan inay adkeeyeen amaanka dalka Uganda, islamarkaana ay AL Shababa kula dagaalamaan meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, isagoo intaasi ku daray in goob walba ay ku beegsan doonaan.

Si kastaba ha ahaatee haldalka madaxweyne Yoweri Moseveni ayaa waxa uu ku soo beegamayaa xili dawlada Uganda khamiistii toddobaadkii ina dhaaftay sheegtay inay diyaar u tahay dirista ciidamo nabad illaalineed oo dheeraad ah kaddib markii xubnaha IGAD ay go’aan ku gaadheen inay ciidamo dheeraad ah oo gaadhaya 2000 askari loo diro Somaliya badhtamaha bisha August ee sanadkan, kuwaas oo haddii la geeyo Somaliya ka dhigaya tirada ciidamada AMISOM ee Somaliya haatan jooga 8100 oo markaas noqoneysa tiradii markii hore la dalbaday in la geeyo Soomaaliya, awoodna u yeelan kara wax ka qabashada kooxaha argagaxisada ah ee Alshabaab ka mid tahay ee halista ku haya ammaanka iyo nolosha dalka Somaliya.
“Ma Jirto Wax Rajo Ah Oo Laga Qabo In Waan-Waan Iyo Wadahadal Lala Galo Alshabaab” Meles Zenawi

Geen opmerkingen:

Een reactie posten