maandag 19 juli 2010

Waxa waajib ah inaynu aqoonsano inaanay weligeed Somalia mar dambe midoobi karayn

Jul 19, 2010 at 10:07 AM
Warbixin - Aqoonyahano Maraykan ahWashington,(Qaran News)- Aqoonyahano Ameerikaan ah oo dhawaanahanba ka faaloonayay xaaladdaha Soomaaliya, ayaa afkaaro kala duwan u soo jeedinaya dawladooda iyo caalamkaba, isla markaana maqaal cinwaan looga dhigay ‘Maxaynu Somalia ka qaban karnaa’ oo lagu faafiyay shabkad Interet-ka ay ku leeyihiin, ayaa si adag ay talo ahaan ugu soo bandhigeen inaanu xalka Soaomaaliya ahayn ciidamo la geeyo, balse uu yahay in la aqoonsado Somaliland.
Maqaalkaas oo dheeraa waxa lagu bilaabayaa su’aasha ‘Maxaynu u qaban karnaa Somalia?’ “Ka hor intaynaan ka jawaabin su’aashaas, waa inaynu dib u eegnaa waxaynu ka naqaano, taasina waa Istaraatiijiyada maanta lagu shaqeeyo,” ayaa ka mid ahaa qoraalka maqaalkaas. “Xilligan xaadirka ah Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo Dawladda reer galbeedku taageeraan ee itaalka daran ayaa jooga, balse Al-Shabaab ayaa maamusha inta badan badhtamaha koonfureed ee Somalia.” “Dabadeedna shaki kuma jiro inay Al-Shabaab sii wadayaan qabashada dhulal kale. Joogitaanka ciidamo ajaanib ahina waxay inbadan oo Soomaali ah xusuusinaysaa xilligii ay Itoobiyaanku Maxkamadihii Islaamiga ahaa meesha ka saareen 2006-dii. Markii ay Itoobiyaanku baxeen 2009, ayaa joogitaanka ciidamada Midawga Afrikaanku waxay u muuqdaan uun inay saamaxeen in Al-Shabaab ku guulaysatay qabsashada meelo badan oo kale.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaas.

Qoraalku waxa uu sheegay in marka ugu horaysa la ilaawo waxa loogu yeedho midnimadii Somalia, isla markaana mashkilada ugu wayni ka imanayso ciidamo shisheeye oo dalkaa la geeyo. Hase ahaatee, waxa uu qoraalku ku taliyay in laba arrimood lagu ekaado. “In la taageero xoogag muwaadiniin ah oo ka horjeeda Al-Shabaab, isla markaana si adag loo xakameeyo wax taageero ah oo dibadaha uga yimaada Al-shabaab. Waxaynu sidoo kale soo saaraynaa digniin Al-Shabaab uga digaysa gardarro ay kula kacaan dalalka kale, taasoo ay kala kulmayaan talaabooyin adag, taasoo ku qancin karta inaanay kooxddaasi hawlgallo ku deyin wixii Somalia ka baxsan.”

“Marka ugu horaysa waxa waajib ah inaynu aqoonsano xaqiiqda ah inaanay weligeed Somalia mar dambe midoobi karayn tan iyo xilligii uu dhacay nidaamkii Siyaad BarrĂ© 1991-kii. Haddaba, waa inaynu taageernaa dawladda keliya ee xasiloon ee dalka (Somalia) ka jirta, taasoo aan wax taageero ah haynin, waana Somaliland, waa jamhuuriyad xor ah oo si xidhiidh ah dimuquraadiyad ilaa xad aanay inta badan dalalka islaamka ah ee adduunku haysanin. Somaliland waxay leedahay 60,000 oo ciidamo adag ah oo ka soo horjeesanaya Al-Shabaab. Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland heshaa oo lagu kabo caawimo adag oo dawlad ahaan iyo millateri ahaanba loogu deeqaa waxay ka dhignaanaysaa xoog adag oo lagaga horjeedo Al-Shabaab, taasoo si muhiimad leh u leexinaysa dareemadoodii waditaanka Jihaad caalamiya.” Ayuu yidhi qoraalkaasi oo intaa ku sii daray, “Isbedellada noocaas ahi siyaasiyan xataa hadii aan lagu cidhib-tirin Al-Shabaab, waxay ugu yaraan caawimo ka geysanaysaa xakamaynta khatarihii gobolka ku soo jihaysnaa.”





Ogaal

Geen opmerkingen:

Een reactie posten