vrijdag 2 juli 2010

Dawladda Itoobiya oo dadweynaha Reer Somaliland ku hambalyeysey sida nabadgelyada leh ee doorasahdii madaxtooyadu u dhacday


July 3, 2010 Dawladda Itoobiya oo dadweynaha Reer Somaliland ku hambalyaysay sida nabadgelyada leh ee ay Doorashadii Madaxtooyada u qabsadeen

Hargeysa(Waaheen)Qoraal dublamaasiyadeed oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibeda ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in Dawladda Itoobiya ku Hambalyaynayso Dadweynaha reer Somaliland guushii ay ka gaadheen Doorashadii madaxtooyada ee sida nabadgelyada ah ugu dhacday

Dawladda Itoobiya waxay qoraalkeedaasi ku sheegtay doorashadaasi inay ahayd mid lagu diirsaday oo u dhacday si fiican isla markaana dadweynaha reer Somaliland iyo axsaabtooduba ay muujiyeen karti iyo hufnaan siyaasadeed oo horumar u keeni karta mandaqada gaar ahaan dhinaca nabadgelyada

Qoraalkaasi waxa ay ku sheegeen dawladda Itoobiya inay mar walba shacabka Somaliland la garab taagan tahay hiil iyo hooba sidii ay awalba ula barbar taagnayd, waxaanay hambalyo iyo bogaadin u direen Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha Cusub ee la Doortay Axmed Siilaanyo

Wasaaradda arrimaha Dibeda Itoobiya waxa ay qoraalkeedaas ku cadeeyeen inay Somaliland xaqiijisay inay isku tanaasusho cabashooyinkii jiray ee ka dhashay doorashadana u xalisteen si kalsooni ku jirto isla markaana lagu wada aqbalay natiijadii komishanku soo saareen taasoo ay ku tilmaameen qaan-gaadhnimo siyaasadeed

Geen opmerkingen:

Een reactie posten