zaterdag 3 juli 2010

Shakhsi ahaan guushii Axmed Siilaanyo waan ku farxay ee kama nixin

“Shakhsi Ahaan Guushiisa Axmed Siillaanyo Waan Ku Farxay Ee Kamaan Nixin” Mujaahid Cali Guray.
Hargeysa July 3, 2010 - Anigoo ka duulaya cali gurayMawqifka aan Mar Walba Taagnaa ee ahaa (Doorasho Waa Xal, Doorasho la’aani na Waa Xal la’aan) Waxaan Marka ugu horeysa shacbiga Reer Somaliland oo dhan ku Hambalyeynayaa Sidii Sharafta laheyd ee Nabadgelyada laheyd ee ay Codkooda u dhiibteen,iyaga oo Marka Koowaad Gudanaya Waajibaadka Qaran Marka labaadna ku Naaloonaya Xuquuqda Dastuuriga ah ee ay leeyihiin Muwaadiniin ahaan.
Marka labaad Waxaan Hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortey Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Ku Xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo aan leeyahay Garabkiina ilaahey ha galo Xilka aad Qaadeena illaahey ha idinku asturo .


Waxaan kale oo aan jecelahay inaan Hambalyeeyo M/weynaha Xilka ka degay ee aynu Sagootineyno Mudane:Daahir Rayaale Kaahin Waxaan odhanayaa Haddii Guushii hore aad Madaxweyne ka Noqotey Haddana Maanta Mar kale ayaad Guuleysatey Markii Doorashada lagaa helay eed Aqbashey Natiihadii Kuna Hambalyeysay Madaweynaha Cusub ee la doortey .
Madaxweynaha Cusub ee la doortey Mudane :Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxaan u qirayaa Horana ugu aqaaney in uu yahay Shakhsi Wanaagsan ,Waayeel ah,Aqoonyahan ah,Siyaasi ah, Waayo arag ah, isla Markaana ah Mujaahid halgamaa ah inkastoo aanan Xisbigiisa hadda ka tirsaneyn haddana Anigu Shakhsi ahaan Guushiisa Waan ku farxay ee kamaan nixin
Ugu danbeyntii Waxaan Mar kale hambalyo kal iyo lab ah u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortey iyo ku Xigeenkiisa ba. Sidaa waxa hadalkiisii ku soo xidhay Muj: Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey).
 Source
Ramaasnews Desk

Geen opmerkingen:

Een reactie posten