donderdag 1 juli 2010

Guusha Somaliland u soo hoyatay yaan la seejin


Somaliland waxa markii labaad intii Xornimadeedii iyo Dawladnimadeedii ay dib ula soo noqotay ka dhacday doorasho loogu tartamayey madaxtinimada dalka. Doorashadaas oo in badan la sugayey waxay ku dhammaatay Illaahay baa Mahad lehe, nabadgelyo caalamku u bogay. Sumcaddii Somalilandna mar labaad bay dib u soo nolaatay.
Dhamaystirka doorashada oo ku xidhan in guushu saddexdii murashax mid kood raacdo, iyada oo labada kalena si xarago leh ugu haneeyaan, waxay caalamka iyo jaarkaba tusi doontaa inay Somaliland bislaatay siyaasad ahaanna kortay, korna u dhaaftay dalalka aduunka intooda badan. Guushaa Somaliland u soo hoyatay yaan la seejin. Sidaa daraadeed waxa inagu haboon dhammaanteen kii raacsanaa iyo kii ka soo horjeedayba GUUSHU mudanahay raacday inaynu sida ugu dhakhsaha badan ugu haneyno oo ugu hambalyeyno.
Somaliland cadawyo badan bay leedahay. Doorashadan oo muran gashaa 20 sanadood waxaynu dhisnay ayey dhaawacaysaa. Dadkeenan weli dhibaataysan ee aan midhii xoriyadda si fiican u dhadhamin ee wakhti yar uun nabadda haystay ee imika uun horumar dareemay YAAN DIB LOO CELIN.
Madaxeyne Daahir Rayaale Kaahin haddii laga guulaysto, waxaan qabaa inaanu ciil u qabayn madaxnimo. Waayo in ka badan 12 sanadood ayuu madax ahaa. Haddii lagu qancay siduu ku dooday in mar dambe la doorto si uu u dhamaystiro waxyaabuhuu bilaabay waa wax la qaadan karo. Laakiin haddii shicibka intooda badani ay saluugaan, una samri kari waayaan inta uu dhamaystirayo ficilkiisa, waa wax aduunka maalin walba lagu arko. Ceebna kuma aha.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Mahamuud (Siilaanyo) kuma cusba madaxnimadu. Waa waayeel soo maray xilal badan. In badan buu u hanqal taageyey oo loolan ugu jiray kursiga Madaxtinimada. Hore wax yar baa lagaga helay oo uu haddana nabadda ka raacay…oon ka markhaati ahay in rag badan oo ku xeernaa ay lahaayeen ha yeelin ee gaashaanka ku dhufo. Waxaan qabaa maantanna haddii laga guulaysto inuu sidii iyo si la mid ah la yimaado.

Haddii se ay GUUSHO isaga raacdo. Mudane Siilaanyo waa Nin aqoon, khibrad iyo waayeelnimaba leh. Dalku gacan la hubo ayuu geli doonaa, weliba waxa khibradda u sii dheer inaan qabo inuu maanta Axmed ku hamiyayo inta uu dalka u shaqayn karo inuu taariikh wanaagsan iyo magac kaga tago, u dhiso dawladdii ay XAQA U LAHAAYEEN REER SOMALILAND ee ay inta badan sugayeen.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Faarax isagu xil badan soo ma qaban, waanay haboontahay in dhiig cusubi talada dalka gacanta ku qabto. Waa nin nabadda jecel horena markii sokeeye isku dhacay waa ragii kala dhexgalay. Maantana waxay tahay in haddii laga guulaysto uu taariikhdiisii hore ee nabad jacayl iyo dal jacayl sii nooleeyo oo aanay ka dhiman. Haddii ay isaga guushu raacdana waxaan qabaa in uu dalka gelin karo marxalad firfircoon iyo aragti cusub.

Doorashadan khasaare marna ma joogno. Geedi socodkii dawladnimo ayeynu si xoojinay. Kursiga kii helaaba taariikh curdin ah oo dal dhis ah ayuu meel wanaagsan ka geli karaa, kii maanta guushu raaci waydaanna waa la mid uun, dhismahaa aynu ku wada jirno ayuu halkii ugu saraysay hiigsaday, taariikhduna waxay ka qori doontaa wuxuu ka yeelo. Waxaanu ku soo biiri doonaa inta badan ee aan kursina ku fadhiyin ee haddanna dalkooda maalin walba wax la jecel intii karaankooda ahna u shaqeeya.

Aniga oo hambalyeynaya SHICIBKA SOMALILAND iyo SADDEXDA XISBIBA waxaan Somaliland u rajaynayaa HOGAAN KHAYR QABA iyo IYADA OO MAR KALE AYNU GACMAHA ISWADA QABSANO.

Dr. Axmed Xuseen Ciise

Geen opmerkingen:

Een reactie posten