woensdag 30 juni 2010

Wasiirka Daakhiliga Puntland iyo Ciidamo uu hogaaminaayo oo la wareegay Badhan.

Wasiirka Daakhiliga Puntland Iyo Ciidamo Uu Hogaaminayo Oo La Wareegay Xeradii Milatariga Ee Magaalada Badhan

“Qaybo Doorashadu Ka Dhacday Iyo Meelo Aanay Ka Dhicinba Way Jireen, Ilko Jiirna Wuu Joogaa Magaalada” Guddoomiyaha Badhan Maxamed Ibraahin Badmaax


Hargeysa, June 30, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha degmada Badhan ee Sanaag Bari Maxamed Ibraahin Badmaax ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland C/laahi Axmed (Ilka jiir) uu ku sugan yahay magaalada Badhan wakhtigan xaadirka ah, isagoo intaa ku daray in doorashadii madaxtooyada dalka ka dhacday 26-kii bishan June ay ka qabsoontey qaybo ka mid ah deegaankaasi Badhan, qaybo kale oo aanay ka dhicin doorashaduna ay jireen.

Mr Badhmaax Isagoo ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo asbaabahay ay uga dhici wayday doorashada madaxtooyadu qaybo ka mid ah deegaanadaas.

Guddoomiyaha degmada Badhan Maxamed Ibraahin Badmaax waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka telefoonka ugu waramayey isagoo ku sugan magaalada Badhan, isla markaana wax kaga waydiinay carqaladaha ka hor yimid in doorashadu ka dhacdo magaalada Badhan, isagoo arimahaas ka hadlayana waxa uu ydhi “Doorashadu qaybo aanu ka qabsoomina way jiraan qaybo ay ka qabsoonteyna way jiraan, qaybaha aanay doorashadu ka dhicin sababo ay uga dhiciwayday ayaa jira, qaybaha ay doorashadu ka dhacdayna waa wax aan la dafiri Karin oo la isla ogyahay”

Mar aanu waydiinay Guddoomiyaha Badhan Mr Badmaax inuu cadeeyo goobaha deegaanada ay ka dhacday doorashadu iyo goobaha aanay ka dhicin wuu ka gaws qabsaday inuu magacaabo.

S: Waxa la sheegay in magaalada Badhan ay ku sugan yihiin wafti ka socda maamul goboleedka Puntland arimahaasi maxaa ka jira?

J: Haa way joogaan magaalada.

S: Waftiga Puntland ma waxa hogaaminaya wasiiraka arimaha gudaha C/laahia Axmed Ilka jiir?

J: Haa Ilko jiir wuu joogaa magaalada.
Dhinaca kale Gudoomiyuhu wuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo waxyaalaha wakhtigana xaadirka ah ay u yimaadeen masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland magaalada Badhan, iyada oo ilo wareedyada ka imanaya deegaanadaasi ay sheegayaan in wasiirka arimaha gudaha Puntland Mr Ilko jiir iyo ciidamada uu hogaaminayaaba ay qabsadeed xeradii ciidamada milatariga Somaliland ee degmada Badhan oo awal hore ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Somaliland.

Xigasho. Haatuf

Geen opmerkingen:

Een reactie posten