zaterdag 17 juli 2010

July 17, 2010 Madaxweyne Siilaanyo iyo John Marshal oo manta kulan ku yeeshay Hotelka Maan-soor ee Hargysa

Hargeysa(Waaheen)Madaxweynaha cusub ee la doortay ee dhawaan xilka la wareegaya Axmed Siilaanyo ayaa manta kulan kula yeeshay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa John Marshal

Kulanka labada masuul ilaa hada wax war ah lagama soo saarin balse warar ku dhaw dhaw kulankaasi ayaa sheegay inay qayb ka ahayd wadahadalkooda xil-wareejinta la filayo 27 ka bisha july inay Qasriga Madaxtooyada ka dhacdo iyo arrimo kale oo la xidhiidha xaalada Amni ee Mandaqada iyadoo maalin ka hor uun ay Siilaanyo kulan ku wada yeesheen Gurigiisa Saraakiil ka socotay Sirdoonka Dalka Ingiriiska

Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Safaarada Addis-ababa ayaa la filayaa inuu beri la kulmo Madaxweynaha hada talada sii hay ee xilka Wareejinaya ka hor intaanu Dalka ka ambabixin si dhiniciisana ay uga wada hadlaan dhamaystirka kala wareejinta xilka
John Marshal ayaa ah masuulka EU da u qaabilsanaa arrimaha siyaasad Somaliland gaar ahaan dhinaca Doorashooyinka oo uu qabsoomideeda saamayn badan ku lahaa isagoo Sadexdii Musharax ee u tartamay goob joog ka ahaa heshiiskii ay beesha Caalamku ku dhexdhexaadisay waxaana la filayaa inuu munaasibada xil-wareejintana goob joog ka noqon doono

Geen opmerkingen:

Een reactie posten