maandag 5 juli 2010

Madxweynihii ore ee Somaliland iyo Madaxweynaha Cusub oo kulmay


Hargeysa(Waaheen)Madaxweynihii hore ee Somaliland ee Xilka wareejinaya iyo Madaxweynaha cusub ee la doortay ee xilka la wareegaya ayaa maanta kulan al-baabadu u xidhnaayeen oo ay ku kaliyaysteen ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa


Kulankan ayaa la sheegay inuu qaatay muddo saacado ah, lamana sheegin wax war ah oo ka soo baxay hase yeeshee warar aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay inay labada hogaamiye ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo duruufaha ka jira gaar ahaana waxa la sheegay Madaxweyne Rayaale inuu si gaar ah ugu xaal waramay Madaxweynaha cusub ee talada kala wareegaya taasoo uu ku hoga-tusaaleeyay mudadii uu xilka soo hayay wanaag iyo dhibaato wixii uu kala kulmay hogaaminta talada isagoo ku adkeeyay sidii dhibaatoouinka jira uu uga gudbi lahaa
Kulankan maanta ayaa ahaa mid shalay baaqday kadib sida la sheegay markii ay Qasriga Madaxtooyada buux dhaafiyeen masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo daba yaacayay Siilaanyo kuwaasoo ay ka suurtogali kari weyday inay labada masuul si gaar ah u wada hadlaan isla markaana kaliftay in uu Siilaanyo dib iskaga noqdo oo ay maanta markale dib u kulmaan

Dhinaca kale waxa maanta markii ay Siilaanyo iyo Rayaale wada fadhiiyeen cabasho la hor yimi Qasriga Madaxtooyada qaar ka mid ah Dumarka Agoomaha iyo Naafada ah ee ciidamada Booliiska iyo Milatariga kuwaasoo ka cabanayay inaan muddo sadex bilood ah la siinin Mushaharooyinkoodii iyo Raashin Guno ahaan loo siin jiray hase yeeshee waxa Dumarkaa kala dareeriyay qaar ka mid ah Ciidamada oo ku qanciyay inay u samraan inta Xilka lala kala wareegayo

Geen opmerkingen:

Een reactie posten