maandag 23 augustus 2010

Hargysa,(Qarannews)- Sheekada ugu hadal haynta badan tan iyo shalay ayaa ah, gacan ka hadal madaxtooyada ku dhe maray Chief of Cabinet-ka Siilaanyo Mr Xirsi Ali Haji Xasan iyo mid ka mid ahaa shaqaalahii inbadan ka soo shaqaynaayay madaxtooyada Somaliland ahaana shaqaale dawladeed oo aan ku lug lahayn wax siyaasad iyo xisbi toona.
Dagaalkani oo gaadhay in Xirsi uu qaato mindi dulsaarnayd miis ka mid ah miisaanta dhexyaala madaxtooyada, kadibna kula dhaqaaqay oo ku weeraray Yaasiin Nuur Mooge oo ay is af dhaafeen kadib markii uu Xirsi shaqada ka caydhiyay isaga iyo laba shaqaale oo kale, taasi oo ay ku andaccoodeen in xuquuqdoodii la siiyo madaama oo laga fadhiisiyay shaqadii ay in mudo ah soo hayeen.



Qaar ka mid ah dadweynahii aanu mikirifoonka la dhex qaadnay waxa ka mid ahaa hadaladoodii.
Waa yaab hadii madaxii dalka loo dhiibay ay dadka qalanyaan, xaga ruux dumar ahi ay tidhi madaxtooyadii dadqal ayaa galay, ee odayga amaankiisa ma la hubaa, waa in madaxweynaha la adkeeyaa amaankiisa marba hadii meelhaasi ay ka ag dhawadahay mindi wax lagu weerari karaa.
Xaga qaar dhalinyaro ah oo aanu la kulanay ay noo sheegeen in Xirsi uu Yaasiin ka urinaayo wasiirkii hore ee arimaha gudaha xaga labada kale ee shaqaalahana uu ka kala urinaayo la taliyihii madaxweynaha mudane Nuux ka sadexaadna uu ka urinaayo madaxweynahii hore oo iska shakisanyahay uun oo ay sheegeen waa sida ay hadalka u dhigeene in aanu dalku sidaasi ku sii socon doonin hadii aan la joojin waxyaabaha foosha xun ee ay ugu horeeyaan talaabooyinka uu qaaday Xirsi.


Shalay ayaa dhamaan wargaysyada ka soo baxa magaalada Hargysa waxa ay ka sinaayeen oo boga hore u sudhnaa dagaalka Xirsi iyo shaqaalaha uu caydhiyay.
Taasi oo sii shiday dareenka shicibka iyo argtiyaha ay ka qabaan Chief of Cabinet-ka madaxweyne Siilaanyo Mr Xirsi Ali Haji Xasan oo ay dad badani u arkaan in uu yahay shaqsi ku dheeraad ah xukumada Siilaanyo.
La soco barnamijka dareenka shicibka oo si joogto ah halkani uga bixi doona, inaga oo mar walba soo qaadan doona waxyaabaha ugu hadalhaynta badan maalin walba, gaar ahaan waxyaabaha ugu waaweyn
Xiligaasi Xirsi waxa laba dible u qabtay shaqaalahii kale ee ku hareeraysnaa oo ka badbaadiyay Yaasiin in ayna mindidaasi ku dhicin.Hadaba sheekadani ayaa ah ilaa shalay sheekada ugu hadal haynta badan magaalada Hargysa oo meesha aad martaba lagaga sheekaysnayaa, taasi oo ay dadweynaha reer Hargysa ay dareeno kala gadisan ka bixiyeen.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten