zaterdag 28 augustus 2010


Wakiilkii Itoobiya U Joogay Somaliland Oo Dalka Iskaga BaxayPDFPrintE-mail
Written by Qaran News   
Aug 28, 2010 at 11:01 AM
Hargysa,(Qaran News)- Warar rasmi ah oo aanu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in safiirkii dalka Itoobiya Somaliland u joogay uu dalka ka baxay, wararka aanu helaynaa may noo xaqiijinin sababta rasmiga ah ee uu safiirkuu dalka uga baxay hase ahaatee ayaamahihii u danbeeyay waxa ay warbaahinta Somaliland qaarkeed soo bandhigayeen khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo la isku mari laa waxyaabahii la isku hayay.
Wararka qaar ayaa sheegaaya in safiirka xaga Addis Ababa uu u tagay la tashi, taasi oo ay ka danbaysay markii madaxweyne Siilaanyo uu xafiiska Itoobiya ee Addis Ababa uu ku wargaliyay in ay la xidhiidhaan wasaarada arimaha gudaha oo ay ku xidhnaadaan xagaasi.
Wararka kale ee aanu helaynaa waxa ay aad uga dayrinayaan xidhiidhka wacnaa ee u dhaxeey labada dal in uu sii xumaanaayo taasi oo arimaha la isku hayna ay ugu badantahay arimaha aminiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal ee dhan walba leh.
Siilaanyo ayaa dalka ugu yimid hal xafiis diblamaasiyadeed kaasi oo aad moodo in wada shaqayntiisuna ay sii damayso, waxa ay dadku rajaynayeen in uu Siilaanyo kaga faa'iidaysto doorashadii xorta ahayd ee uu ku yimid isla markaasina ay ahayd in la iibiyo qadiyada Somaliland si dalka looga saaro dhibka ka haysta aqoonsi laanta ku habsatay, hase ahaatee waxa aad moodaa in Siilaanyo uu ishii sii bidhiiqaysay uu isha ka sii ridaayo isaga oo aan xukunakaba fadhiyin wax badan.
Sida ay doontaba ha ahaatee wax war ahi kama soo baxin xaga xukumada Somaliland iyo xaga Itoobiya toona oo ku saabsan socdaalka wakiilkii xafiiska ganacsiga ee Itoobiya uu uga baxay dalka mana jiraan warar rasmi ah oo qeexaaya bixitaanka wakiilkaasi oo ahaa wakiilka kaliya ee dal shisheeye ah oo Somaliland ku sugnaa hase, wararkaasi oo aanu ku daba jirnana waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena kale.
Dhanka kalena waxa  dalka ku soo badanaaya qabyaalada iyo beelaysiga iyada oo ay jiraan shirar ay beelaha qaarkood ay si gooni gooni ah ugu qabsanyaan magaalooyin ka mid ah dalka oo ay ku jirto caasimadu.
Beelahahaasi shirarka isugu imanaaya ama shirayba qaarkood ayaa ayaa siyaabo kala gadisan u dhigaaya kulamadooda xaga qaar ay ka cabnayaan habka uu Siilaanyo xukumadiisa u qaybiyay oo ay u arkayaan cadaalad daro iyo xaga beelo kalana ay kulamadooda iyo shirarkooda ku saleeyeen in xukumada Siilaanyo ay iska indho tirtay saami qaybsiga khayraadka dalka oo ay cid gaar ah ugu adeegayso xagii ay ahayd in ay ka dhabayso balan qaadkeedii ahaa suuqa xorta ah iyo tartanka xorta ah.
Xaalada dalka ayaa hada ku socota mid u eeg tii horaantii sagaashamaadkii ee uu Siilaanyo odhan jiray dalka dawladi kama jirto, hadii aan si deg dega h aan dhabada loogu soo celin habkii dimuquraadiyadii iyo maamuus wanaagii Siilaanyo dalka loogu wareejiyayna waxa dhici doonta in dalku ku dhaco dib u dhac iyo maamul xumadii ugu waynayd ee abid soo marta, Siilaanyo iyo inta ku hareeraysan ee la talinaysana waxa la haboon in ay dalka ku hagaan dhabo toosan oo ka saaraan qabyaaladan inagu soo laabtay ee mudo laga raystay

Geen opmerkingen:

Een reactie posten