zondag 8 augustus 2010

Itoobiya oo la sheegay in ay shuruud adag ku xirtay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato maamulka Cusub ee Somaliland uguna baaqday.


Dawladda Itoobiya ayaa markii u horaysay ka hadashay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo caqabado ay sheegtay inay horyaalaan.


Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa warbixin ay toddobaad kasta mar soo saarto waxay habeen hore ku soo qaadatay xil wareejintii Somaliland ka dhacday ee uu talada maamulkaasi kula wareegay Axmed Maxamed Maxamud {Siilaanyo} oo ku guuleystay doorashadii dhacday bishii June 26-keeda.
Dowladda Itoobiya waxay ka hadashay talaabooyinka ay tahay in maamulka cusub ee Somaliland uu ka qaado la dagaalanka waxa ay ugu yeertay argagixisada si ay ugu guuleysato kalsoonida dowladaha deriska la ah.


Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay hoosta ka xariiqday siday muhiim u tahay in xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ay mawqif cad iska taagto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo xag jirka.


Sidoo kale wasaaraddu waxay shaaca ka qaaday caqabadaha soo waajahaya dawladda cusub ee Somaliland iyo guud ahaan gobalkuba aad ayey u badanyihiin, si loo gaaro rajooyinka, dowladda cusubi waxay u baahantahay inay kasbato ixtiraamka iyo kalsoonida dalalka la deriska ah, iyadoo taas u maraysa inay u muujiso sida ay diyaar ugu tahay ugana go’anatahay ka hortagga caqabadahaasi.

Dowladda cusubi waa inay muujisaa awooda ay u leedahay hab dhaqankeeda siyaasadeed ee gudaha iyo dibaddaba, si ay u gaarto rajooyinka ay qabaan dhammaan dhinacyadii dedaalkeeda ku weheliyay, waxaa iyaduna muhiim ah inay dowladdu ku dhegenaato mabdi’ii jaar wanaaga ahaa, iyo inay laasimto, nabadda iyo dhexdhexaadnimada, sidaasi si la mid ah jaararka Somaliland si kalsooni leh waxay uga rajaynayaan dowladda cusub inay sii wado mawqifkii aan gorgortanka laheyn ee ka dhanka ahaa waxa loogu yeero argagixisada iyo xag jirka sidii maamulkii ka horeeyey ee Daahir Rayaale ayey tiri wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo intaasi ku dartay gaabis kasta oon laga gaabiyaa waxay raad xun ku yeelanaysaa aaminista maamulka cusub ee Axmed Siilaanyo

Geen opmerkingen:

Een reactie posten