dinsdag 3 augustus 2010

Madaxweyne Siilaanyo oo la filaayo inuu xilkii Gudoomiyanimo ku wareejiyo Muuse Biixi

Hargeysa(Waaheen)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhowaan la filayaa dhowaan inuu ku wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga ku-xigeenkiisii Muuse Biixi Cabdi, sida uu dhigayo Xeerka Xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee Kulmiye oo wax laga bedelay Shirweynihii Xisbiga ee ugu dambeeyay.
Arrintaasi oo looga gl-leeyahay in lagu kala saaro Xisbiga iyo Xukuumada sidii Xisbiga UDUB oo dhaawac ku keentay hawlihii Xisbigii talada hore u hayay, waxaanay Xisbiga Kulmiye kaga gaashaamanayaan inuu dhaawac la mid kii UDUB uu soo gaadho.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa marka uu la wareego Guddoomiyenimada waxa ku wehelin doona oo talada Xisbiga ay wada hoggaamin doonaan Ku-xigeenkiisa labaad Md. C/raxmaan Cabdiqaadi, Ku-xigeenka saddexaad C/raxmaan Talyanle iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Mr. Kayse Xasan Cigeh.

Madaxweynaha Talada dalka ku guulaystay Md. Siilaanyo oo dhowaan soo saaray Liiska Xubnaha Golihiisa Wasiiradda ayaa haba yaraatee aan ku soo darin xubnihiisii ay wada-hogaamin jireen Xisbiga Kulmiye, taasi oo bedelkeeduna noqon doonta in ay u hadhaan socodsiinta iyo hoggaaminta Xisbiga.

Tallaabada uu Axmed Siilaanyo kaga reebay hogaanka Xisbiga xukuumadiisa ayaa maalmihii u dambaysay si wayn loo hadal hayay waxa ay kala yeeli doonaan ama ay isugu biyo shuban doonto sababaha uu uga tagay, arrintanise waxay muujinaysaa in uu Xisbiga Kulmiye ku kala saarayo hawl-wadeenadiisa Xukuumada iyo kuwa Xisbiga.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten