dinsdag 3 augustus 2010

Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Oo Balan Qaaday In Jaadka Ka Soo Gala Ethiopia Loogu Bedeli Doono Milixda Iyo Kalluunka Somaliland
Hargeysa, August 2, 2010  (Haatuf)- Wasiirka Cusub ee wasaarada Maaliyada, Eng.MaxamedXaashi Cilmi ayaa sheegay inay dawlada Ethiopia kala hadli doonaan siddii ka ganacsiga Jaadka Somaliland looga soo waarido dhanka Ethiopia taas bedelkeeda milixda iyo kalluunka siddii Somaliland ay Ethiopia ugu iib geyn lahayd.


Wasiirka Maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha maaliyada oo uu sheegay in aanay qaadan jirin mushahar ku filan la siin doono mushahar iyo gunooyin daboola baahiyahooda si ay u nabad gasho hantida umaddu leedahay ee ay masuulka ka yihiin.
Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo uu sheegay inay guddi soo baadha u saarayaan dayn uu sheegay wasiirkii hore ee maaliyadu,Cawil Cali Ducaale, in lagu leeyahay wasaarada.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, ayaa maalintii doraad la sheegay inuu ka muquurtay xil wareejintii wasaaradaasi uu xilka u tirinayay wasiirka cusub ee loo soo magacaabay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, iyada oo la sheegay inuu Cawil fariin soo diray la leeyahay wuu xanuunsanayaa., iyada oo Maxamed Xaashina uu ku sugnaa xarunta maaliyadda oo uu sugayay inuu Cawil xilka wasaarada u tiriyo.
Shalay subaxdii hore  ayaa waxa xarunta maaliyadda ku soo diyaar garoobay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, si xilka uu  ugala wareego wasiirkii hore ee maaliyada Cawl Cali Ducaale oo muddo dhawr saacadood ah kaddib soo gaadhay xarunta wasaarada, ayaa wasiirkii hore waxa uu saxaafada oo goobtaas diyaar ku sii ahayd  ku wargeliyay in aanay soo galin xafiiska xil wareejintu ka dhacaysay, ka dibna saxaafada madaxa banaan intoodii badneyd  ayaa halkaas ka dareertay oo Haatuf ka mid ahayd.
Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo goobtaas xilka ay kula kala wareegayeen wasiirka cusub Eng Maxamed Xaashi Cilmi  ay goob joog ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradaasi, ayaa hadal dheer oo  Cawil halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay, in dayn farabadan oo wasaarada lagu leeyahay uu ku wareejinayo wasiirka cusub.
Wasiirka cusub ee maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay sheegay inuu Cawil yahay nin weyn, islamarkaana jaanis uu  ku hadlo aanu ii reebin oo wakhtigii uu isagu (Cawil) wada qaatay, dayntaasi uu Cawil sheegayna ay tahay in guddi soo baadha loo saaro.
Wasiirka cusub ee maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi iyo wasiirkii hore,Cawil Cali Ducaale, ayaa lagu tilmaami jiray rag xaga siyaasada deeradu dhex miran jirtay, taasoo inta badan eedo musuq maasuq iyo jawaabo ay isku marin jireen saxaafada

Geen opmerkingen:

Een reactie posten