vrijdag 3 september 2010

Safiirka Itiibiya u fadhiya Soomaaliland oo Shhca ka qaaday Xidhiidhka ITOOBIYA iyo SOMALILAND

Hargeysa(Ramaas) Sept.02, 2010 - Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland General Besfe Taday, ayaa sheegay in xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo wada shaqaynta labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu Safiirku caddeeyey in xidhiidhka laba dawadan ee Itoobiya iyo Somaliland uu ahaa mid soo jireen ah marba marka kadanbaysana uu sii xoogaysanaayey, isla markaana waxa uu ku dooday inuu u joogo Xafiiskiisa Hargeya sidii caadiga ahayd iyo hawl-maalmeedkiisa shaqoi.


Safiirku waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in ay jiraan dad cadow ah oo ay leeyihiin Somaliland iyo Itoobiya oo faafiyey hadallo aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaaya in Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ay ka guurayso, kana baxayso dalka Somaliland. “Waxa jira hadallo been abuur ah oo beryahan qulqulaayey dalka, iyada oo ay leeyihiin Safaaraddii Itoobiya ayaa dalka Somaliland ka baxaysa. Waxaan leeyahay arrintaasi waa mid aan waxba kajirin oo ay sameeyeen Cadowga neceb xidhiidhka fiican ee aannu la leenahay Dalkan Somaliland.


Waxaanan qirayaa in shaqadii socoto oo Xafiiskayagii Hargeysa uu sidii caadiga ahayd u gudanaayo shaqadiisii sidaad arkaysaan idinkuba. Waxaanan si milgo leh u sheegayaa in xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee aannu la lahayn Somaliland uu maanta ka sii fiican yahay sidii hore, waajibna ay tahay in aannu sii xoojiNno wadashaqayntaas, meelna aaNnu ugu soo wada jeedi doonno cidkasta oo isku dayda inay carcaqaladayso nabadda iyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliland.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya dawladda Itoobiya General Besfe Taday, mar uu shalay u warramayey TV-ga Afka dawladda ku hadla ee Somaliland.


Ambassador Besfe Taday, waxa uu shaaca ka qaaday in Xuukumada cusub ee Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay maanta isla soo jaangooyeen Xidhiidh wadashaqayneed oo kasii tayo badan xidhiidhkii hore ay ula lahaayeen Xukuumaddii Daahir Rayaale. Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Safiirka ayaa meesha ka saarayo warar beryahanba laysla dhexmarayey oo sheegaya in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya sii xumaanayo, ka hor hadalkan Safiirka, waxa arrintan ka hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasoo sidoo kale beeniyey wararkaas.
“Waxa ay tahay fursad qaaliya in labada wadan ay sii xoojiyaan xidhiidhka wadashaqayneed iyo ta diblomaasiyeedba,” Sidaa ayuu yidhi Safiirka Hargeysa u fadhiya dawladda Itoobiya. Waxa kale oo uu Safriirku tilmaamay in uu la kulmay Madaxweynaha cusub ee ladoortay Mudane Siilaanyo ayna kawada hadalnay danaha siyaasadeed, dibloomaasiyadeed iyo amniga labad dal ay kawada shaqaynkaraan.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten