maandag 30 augustus 2010

Qoraal-taarikheed ku Saabsan Dhacdadii Mucjisada ahayd ee 1983kii Miiska Saraakiisha Lagagala Baxay Marxuum Cabdillaahi Askar


“Markeliya ayey igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayey…. Qaddarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo filanayay in jeelkan aan ka bixi doono, iyadoo aan ku kalsoonaa inaan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda”

Mujaahid Cabdillaahi Askar oo ka warramayey xannuunkii jidh-dilka markii uu gacanta u galay taliskii nacabka ahaa ee Afweyne
Waxa diyaariyey Kaysar Cabdillaahi Maxamed, Bristol, UK.


Waxay ahayd dhammaadkii sannadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq-u-dirirka ahaa ururkii SNM. Waqtigaas waxa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ujeeddadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hortago xukuumaddii halligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa gobollada woqooyi xilligaas.


Si haddaba ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debadda ahba, una muujiyo awooddiisa, waxa uu go’aansaday inuu hawlgallo millatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha ay ujeeddadoodu ahayd naafaynta cadawga, argagax-gelinta dawladda iyo muujinta la muujinayay inaan ummadda gobollada woqooyi marnaba aanay raalli ka ahayn xasuuqa iyo xadgudubka ay xukuumaddii Siyaad Barre ku haysay shacbigeedii.

Waxa labada sarkaal ee naftood-hureyaasha ah ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaanay dhinaca koonfureed ka galeen magaalada Burco, muddo gaaban kadibna waxay u dhaafeen Berbera, iyaga oo markii dambeba uga sii gudbay dhinaca magaalada Hargeysa.
Ujeeddada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaaddeen waxay ahayd laba arrimood oo kala ah:


1-Inay isku habeeyaan oo isku dubarridaan saraakiishii ciidanka dawladda ku dhex jiray ee ay filayeen inay ka soo horjeedaan maamulkii Afweyne, iyaga oo waliba bartilmaameed ka dhiganayay inay qaddiyadda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii millatariga ahayd ee asal ahaan ka soo jeeday beelihii taageeri jiray SNM.
2- Ujeeddada kalee ay u socdeen labada sarkaal waxay ahayd inay khaarajiyaan taliyihii Qaybtii 26aad ee xilligaas oo ahaa gacan-ku-dhiigle Maxamed Xaashi Gaanni.


Haddaba, muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen oo hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah u wadaan, laba habeenna ka hadhsan tahay waqtigii loo qoondeeyey khaarajinta dhagarqabe Gaanni, ayaa nasiib-darro waxa ku dhacday in taliskii dawladda Faqash uu gacanta ku dhigo Gaashaanle/sare Cabdillaahi Askar Barkhad taariikdu markay ahayd 9kii bishii April ee sannadkii 1983kii.
Waxa taasi noqotay dhacdo argagax badan oo ay ka murugoodeen dadweynihii taageeri jiray ururka SNM, waxaanay guul lama filaan ah u noqotay maamulkii dawladda, gaar ahaan taliyihii Qaybta 26aad gacan-ku-dhiigle Maxamed Xaashi Gaaani oo markiiba u dammaashaaday inuu gacanta ku dhigay wax uu ku magacaabay ‘BOQORKII SHINNIDA’ oo uu ula jeeday Cabdillaahi Askar oo ahaa sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa.
Gaanni waxa uu markiiba dammaashaadkiisa gaadhsiiyay maamulkii Muqdisho, gaar ahaan keligii-taliyihii qaxootinimada ku dhintay ee Siyaad Barre.


Markiiba talo ayaa ku caddaatay dadkii taageeri jiray SNM, waxaanay aamineen in maalmo yar gudahood badhka la gayn doono, naftana laga jari doono Cabdillaahi Askar. Nasiib-darro dadweynahaasi may lahayn wax awood ah oo ay ku caawin karaan maxbuuska SNM oo iyaga ayaaba xasuuq iyo xadgudub lagu hayey.


Cabdillaahi Askar waxa markiiba loo qaaday xarunta Miiska saraakiisha oo dhinaca galbeed kaga beegan huteelka dawladda ee Hargeysa Kilaab, waxana lagu wareejiyay ciidan xoog u hubaysan oo laga soo kala qaaday xeryihii kala duwanaa ee Qaybtii 26aad ku lahayd magaalada Hargeysa.


Waxa markiiba Cabdillaahi lagu bilaabay jidh-dil iyo garaacid aad iyo aad u daran, taas oo xannuunkeeda aannu qiyaasi karin qof aan gacanta u gelin askartii naxariista darnayd ee loo carbiyey ku tumashada xuquuqda aadamaha. “Markeliya ayey igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayey, waxaanan dhulka galgalanayay anigoo miyir doorsoomay.” Sidaa waxa yidhi marxuum Cabdillaahi Askar oo aan ka waraystay sidii loo jidh-dilay ee loola dhaqmay markii Faqashtu qabatay.


Waxa jidhkiisa lagu gubay dab ololaya. Waxa laga garaacay ilkaha, iyadoo markiiba laga tuuray toddoba ilig, waxana la jebiyey shan feedhood, iyadoo si naxariista ka fog looga garaacay xididdada iyo xubnaha dareenka. Waxa taas u dheeraa tiiq-tiiqsi iyo ku digasho uu Gaanni la dul-yimi Cabdillaahi oo dhiig ka da’ayo, “Waxaad ahayd sarkaal billad haysta oo xorayntii Goday masuul ka ahaa, waxaanad ka tagtay ciidankaagii kulliyadda millatariga ee Ameerika kuu diray ee maxaad iga filanaysaa?” Sidaa waxa yidhi gacan-ku-dhiigle Gaanni oo ul yar gacanta ku haysta, waardiyayaashiisiina la socdaan.


Cabdillaahi Askar oo taahaya jidhkiisuna aad u damqanayo ayaa ugu jawaab-celiyay, “Billadda geesinimo ayaan ku helay ee been-been la iima siin, waxbarashada Maraykan la iigu dirayna imtixaankii aan baasay ayaan ku tegay ee garab iyo qabyaalad toona la iiguma dirin, Ilaahay ayaanan wax ka fishaa ee aadami waxba kama fisho,” ayuu Cabdillaahi cod hoose ku yidhi.


Waxa markiiba uu Gaanni wargeliyay afartii waaxood ee Hargeysa ka koobnayd, waxaannu u sheegay inuu gacanta ku dhigay ‘Boqorkii Shinnida’ ee SNM, isagoo dadweynihii reer Hargeysa u ballanqaaday Gaanni inuu maxbuuskaas keeni doono Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Hargeysa oo lagu qaban jiray xafladda debbaaldegga wixii loo yaqaanay xuskii 12ka April oo ahayd maalintii la aasaasay Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee majaro habawsanaa.

Xilligaas oo dadweynaha reer Hargeysa isu diyaarinayay inay xafladdaas ka qaybgalaan waxay badidoodu sii diyaarsadeen dhagxaan, budhadh iyo mindiyo si ay ugu dagaal galaan habeenkaas intii taaggooda ah, taasina waxay ahayd tallaabo is-miidaamin ah oo halis ahayd.

Xadhigaas Cabdillaahi Askar waxa uu ka cadhaysiiyey geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa gaashaanle/dhexe ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaannu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM.
“Ilaah ha u naxariistee Ibraahim Koodbuur wuxuu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM, waxaannu ahaa nin haybad leh oo ay tixgalin jireen ciidammadii dawladdu.” Sidaa waxa yidhi marxuum Cabdillaahi Askar oo aan weydiiyay su’aal ku saabsanayd in Ibraahim Koodbuur uu xidhiidh hore la lahaa SNM iyo inkale.


Xaaladda rajo ama filasho ee Cabdillaahi filanayay waxa cawaaqibkiisu noqon doono markii uu Miiska Saraakiisha ku xidhnaa oo aan su’aal ka weydiiyay marxuumka waxa uu ku jawaabay; “Qaddarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo filanayay in jeelkan aan ka bixi doono, iyadoo aan ku kalsoonaa inaan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda.” Waxa uu mujaahid marxuum Cabdillaahi Askar ii sheegay inuu mar walba sugayay goorta ay albaabka ka soo gali doonaan geesiyaal badbaadiyaa.


Laba casho markii uu Cabdillaahi ku xidhnaa Miiskii Saraakiisha, taariikhduna ahayd 11kii April sannadkii 1993kii, saacadduna ahayd 5:30 galabnimo ayaa waxa rumowday riyadiisii.


Waxa xeradii daf-yidhi ciidan uu horkacayey Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo uu la socdo Cabdisalaan Turki Maxamuud oo isaga markii hore ay wada socdeen Cabdillaahi Askar, waxana markiiba bilaabmay muran gaaban oo dhexmaray ciidankii Ibraahim Koodbuur watay iyo kuwii dawladda ee Miiska Saraakiisha ilaalinaayay, daqiiqado gudahoodna waxa bilaabantay xabbad aad u kulul oo dhexmartay labadii ciidan.


Waxa goobtaas ku naf-waayay soddomeeyo askari oo ciidankii Faqashta ka tirsanaa, halka ciidankii Ibraahim Koodbuur horkacayaena uu ka shahiiday AIlaah naxariistii janno ha siiyee geesigii Biixi Xaaji Xasan oo ku dhintay meel ku qabsan huteelka Hargeysa Kilaab, waxana ku dhaawacmay geesigii kale ee Siciid Cabdi Dalabay.


Markiiba qolkii uu ku jiray Cabdillaahi ayey kala baxeen, waxaanay ku qaateen gaadhigii ay wateen, iyagoo kor u qaaday waddada tagta Isha Boorama iyaga oo ka soo dhex-dhacay dalcadda Ina Naxar, wax yar kadibna waxay uga sii gudbeen Masallaha, halkaas oo dhinaca koonfureed kaga beegan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaanay goobtaas ku tukadeen laba ragcadood oo salaatul-shukri ah.
Haddana waxay kor u sii qaadeen dhinaca jidka Gumburaha, iyagoo u sii gudbay dhinaca tuulaha Gummar, halkaas ayaanay isaga horyimaaddeen ciidankii dawladda oo ka soo kala baxay tuulooyinka Balli-cabane iyo Balli-gubadle, goobtaas ayaanay dagaal la galeen ciidammadii Faqashta, waxaanay halkaas ku dileen lix askari oo ciidankii dawladda ka tirsanaa.


Markii dambe ayey gaadheen tuulada Xarshin oo ku taal gudaha waddanka Itoobiya, halkaas ayuu ku dhintay geesigii dhaawaca ahaa ee Siciid Cabdi Dalabay isagana Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee, halkaas ayaana geesigii Ibraahim Koodbuur iyo kooxdii la socotay ka sii wadeen halgankii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM, waxana uu Ibraahim Koodbuur ku geeriyooday tuulada Ramaso ee dalka Itoobiya sannadkii 1987kii Rabbi naxariistii janmo ha ka waraabiyee, waxaannu noqday oo uu muujiyay geesinimo aad u sarraysa oo taariikhda reer Somaliland baal dahab ah ka gashay.


Waxa qalbi-jab iyo naxdini ku dhacday Gaanni iyo maamulkii Siyaad Barre oo ku fashilmay in Cabdillaahi Askar qabashadiisa ay ku faanaan. Cabdillaahi Askar Allaah ha u naxariistii waxa uu shalay ku geeriyooday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo si heer qaran ah loogu aasay. Cabdisalaan Maxamuud Turki waxa uu isna ku nool yahay waddanka UK.

Jamhuuriya Online

Printable version
Ururkii SNM waxa uu go’aansaday inuu tallaabooyin millatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagarqabayaasha ee shacbiga xasuuqaysay, waxaanay markaas SNM gudaha dalka u dirtay saraakiil millatari. Bishii December sannadkii 1982kii ayaa tuulada Gaashaamo oo bariga Itoobiya ku taal ay SNM ka dirtay laba sarkaal oo kala ahaa Allaah ha u naxariistee Cabdillaahi Askar Barkhad iyo Cabdisalaan Turki Maxamuud.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten