woensdag 20 oktober 2010

Posted by Maxamud Qorshaha Isbaddelka Boqolka Cisho ee Somaliland lagu Dumin Karayo

Wednesday, October 20th, 2010

Farriinta xukuumadda cusubi ay sheegaysaa mid Siyaasad lagu wadi karo maahee waa xafiis sida loo maamulo
A.A. Garas
Xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo ee boqolka cisho baarka ka goynaysa waxa ay ummaddu u sheegtay farriin ay ugu yeedheen “Isbaddelka 100 Cisho”ee ugu horeya laga dareemayo, lama fahmin iyana ma faahfaahin nooca isbaddelka ee boqolka cisho ay samaynayaan ka uu noqonayo ma mid horumaraa mise waa mid dib u dhac ah. Waxase loo qaatay in ay sameynayaan isbaddel horumarineed, waanay fiican tahay in dadku ay had iyo jeer u fakiraan sida wanaagsan, laakiin, marka loo fiirsado dhadhanka kalmaddan ay ku baaqeen iyo tallaabooyinka soo baxay mudadii ay maamulka gacanta ku hayeen.


Haddaba iyada oo boqolkii cisho ee lagu ballamay ay ka hadheen shan cisho, waxa la isweydiin karaa, ma qabteen tallaabooyin wadanka lagu adayn karo arrinta kaliya ee uu ku taagan yahay ee ah ammaanka, ta kale ma la yimaadeen qorshe mustaqbalka lagu sii adkayn karo jiritaanka dalkan iyo ammaankiisa?

Iyaga oo xukuumadda cusubi aanay ka hor iman wax mucaaradad ah oo fakaag weyn u helay muujintooda siyaasaddooda dhabta ah, bal aynu qiimayno dhinacyadda ammaanka iyo wixii ka dhacay.

Waxa soo baxay in boqolkii cisho muuqaal u eekaanayey in xakamayntii ammaanka dalku ay faraha ka baxday iyo isbaddel lagu dareemay kala dhaqaaq ku yimid dhaqaalihii dalka iyo qiimahii maceeshada oo kala anbaday. Degenaanshihii dhaqaalihii dalka iyo guurguur ku yimid habkii sarrifka ee inbadan deganaashaha ku jiray. Marka aynu isweydiino dhinaca ammaanka oo ah meesha uu dalku uu ka dhismi karo ama ka dumi karo nin sahashadayna aanu horumarkiisa waxba ka ogeyn, waxa dhacday oo aynu marag ka ahayn qorshayaal waaweyn oo illaa tobaneeyo dhacdo oo ku cusub waddanka Somaliland, waxyeelo iyo nusqaan weyna ku ah.
dhacdadii Buulo-Caddo ee xeebta Galbeed ee Somaliland ay ku martay guutadda dhan ee hubaysani ee u gudbay xadka Itoobiya.
Maxaabiistii loo qabtay falkaas oo muruxsatay gacanta dawladda oo aan hore u dhici jirin.
Magaaladda Caynaba oo maxkamad horteed laga kaxaystay maxaabiis ku jirtay gacanta dawladda.
Budhcad-Badeed xidhiidh lala yeeshay oo la kala badashay dad ku xidhan jeelasha Somaliland, taas oo ku cusub habdhaqanka dawladnimadda oo in kooxo lala macaamilo.

Afduubkii lagu sameeyay muwaadiniin Somaliland ah oo gobolka Sanaag lagu qafaashay.

geysatay aanay wax dabagal ah ku qaadin isla markaana aanay gacanta ku qaban.
Inantii booliska ee madaarka Berbera ku dhimatay suntii ay ursatay ee ay baadhitaanka ku samaynaysay.

iyo ta ugu cawaaqibka xun ee dhawaan Burco ka dhacday, kaas oo ninkii laga shakiyey markii gacanta Booliska la soo galiyey intuu ka muruxsadday ee uu dilay mawaadinkii dawladda ugu soo qayliyey ee sheegay.

Intaas oo fal iyo kuwo kalaba, waxay dhaceen muddo boqol cisho gudahood ah, taas oo cimri-degdeg ku noqonaysa xukuumadda cusub iyo nidaamkeeda ay ku xakamaynayso nabad-galyadda dalka, markay boqolkii cisho intaas oo fal iyo kuwo kalaba soo baxaan miyaanay noqon karin isbadelka la dareemayaa ee ay ballanqaadeen inuu noqonayo ka daris ama boqolka cisho ee loo qoondeeyay khalkhalinta ammaanka.

Dhinaca kale, markaan eegno dadaaladda ay xukuumadda cusubi ku mashquulsan tahay oo ah dardar galinta cashuuraha iyo lacagta baanka lagu ururiyo xafladaha xil-wareejinta ee loo dhigayo masuuliyiintii hore iyo kuwa danbe iyo maalinta siigadda la kiciyo ee loogu magac daray maalinta nadaafadda, taas oo uu isu soo bax mar ah mooyaane aan laga samayn qorshahii aanu dalkuba xashiish ku yeesheen, taas oo madaxweynaha in uu mafiiq qaato ay ka wanaagsanaan lahayd qorshe dhan oo mar walba magaaladda lagu xaadho. Arrinta kale ee ay malaha xukuumadda cusubi ay guusha ku tirsanayso oo ah lacag baanu ururinay, walibana ay ammaanta ku doonayso, dhinaca kale marka laga eego waxyeelada ay sababtay waxa ka mid ah: iyadoo la fadhiisiyey lacagtii dhaqaalaha dalka ee wareegi jirtay, lacagtii ammaanka ku bixi jirtay iyo tii siyaasadda waddanka lagu wadi lahaa. Marka la sameynayo lacagta Baanka lagu ururinayo waa marka la damacsan yahay in waddankaasi aanu dhaqaaqin, waxaanay arrintaasi dhacdaa marka loo baahan yahay in waddankaa la curyaamiyo oo kaliya iyo in baayac-muushtarkeeda la khasaariyo.

Dawlad iska daaye nin tukaan haysta ayaa garanaya lacagta oo uu meel ku urursadaa inay uga faa’iido badan tahay isagoo ku soo iibsada wax uu ka faa’iidayo. Dhamaan arrimahaasi waxay ka soo horjeedaan hannaanka iyo xikmadda dawladnimadda lagu wado, waana dhalaan habaabis oo dadka aan dawladnimadda aan iskuba hawlini ay ka sheekeeyaan. In lacagta dalka khiyaamada laga ilaaliyaa way fiican tahay, laakiin khiyaamo ka weyni ma jirto ammaanka dalka oo aad khiyaamayso oo aad dhigto meel cadawgu cidlada ka qaato, marka la doonayo dhisnaanta dalka musuqmaasuqu dal ma ganbiyo laakiin ammaan xumaddu waxay sababtaa burbur degdeg ah, taasoo la yidhaahdo, Musumaasuqu dib u dhac ayuu sababaa laakiin ammaan-darradu waddan baaba’ay sababtaa. Sidaa daraadeed, bal milicsada qorshihii isbaddelkee boqolka cisho lagu ballan-qaaday ma burburbuu ahaa mise dhisme, ma dhacday wax dhisaya ammaanka oo ah meesha kaliya kuna dhisanahay kuna dhaqanahay. Marka laga hadlayo qorshe ammaanka dalka lagu ilaalinayo ma aha telefishanka ballanqaad laga sameeyo oo kaliya, walibana lama odhan karo xilligan waxa loo waayey awood ama aqoon, laakiin waxa la waayi karaa waa daacad, oo dal ninkii haystay khalkhalinayo qofna ammaankiisa ma sugi karo.



Short URL: http://waaheen.com/?p=4049



Geen opmerkingen:

Een reactie posten