donderdag 17 februari 2011

Dhanxiir iyo Ingiriiska


Maansha Allaah; Alleylehe, reer Ingiriis sabbankaa maanta ah si fiican bay Land-ta u caashaqsan yihiin, kaalay arag sida hadalkoodii inoogu batay ee markay Afrika ka hadlayaab afku Somaliland uga xaddayo, haddana tusaale ayeyba inaga dhigteen oo waxay meel kasta la taagan yihiin ‘Casharo halaga barto nabadda iyo dimuqraadiyadooda.’ Aqoonsigu wuu iska iman marka carrabkoodu inagu bato.



Weger; Adeer, caashaqa iyo calaamatul shirqoolka ma kala taqaanide afkaaga maad iska haysan, miyaanad ogayn in beryahan dambe lala soo baxay waxa loogu yeedho gobolo-gobolaynta iyo mashruuca isku tolida Soomaaliweyn, goormay Somaliland la meeqaam noqotay Galdumug iyo wax kale oo aan la garanayn, nin baa laga hayey ‘Haddii aan gobtaa laga guurin Gorayo heeryeysana way nagaga soo bixi.’ Imika haddii aan shirqooladda socda la iska waabin hadhawbaa farta dhexda laga qaniini.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten