maandag 24 mei 2010

Buuhoodle Oo Heshiis laga gaaray.

Buuhoodle, Somaliland (SF) - Issimada Beesha Dhulbahante Iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa shalay gelinkii dambe kala Saxiixday Heshiis Nabadeed, Heshiiska labada Dhinac ayaa imanaya kadib dagaalo halkaasi ku dhexmaray Beesha Degaanka Iyo Weliba Ciidamo ka socday Dowladda Federaalka Ethiopia

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo kulanka Heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inay Ethiopia ka Xun tahay dagaalka, Iyada oo u sheegay in Ra'iisal Wasaare Meles Zenawi u tacsi u soo diray Dadkii dagaalada ku dhintay uuna ka xun yahay dagaalada halkaa ka dhacay

Sarkaalkan ayaa ka codsaday Odayaasha Beesha Dhulbahante inay soo celiyan Ilaa Saddex Qori oo aay dagaalkii hore logaga qabsaday Ciidamada Ethiopia

Odayaasha ayaa iyaguna dhankooda Balan qaday, waxana la isku afgartay in Ammaanka Iyo Nabadgelyada laga wada shaqeyo, Ciidamada Ethiopia ayaa sheegay iyagu dhankooda inay Amniga kala Shaqeyn doonan dadka degaanka, Isla markana aay dhowaanba halka isaga guuri doonan sida aay Hadalka u dhigeen

Heshiiskan ayaa imanaya kadib dagaalo halkaasi ku dhexmaray 21 Bishan, Ciidamada Ethiopia Iyo Weliba kuwa degaanka Buuhoodle.

Yaldo online.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten