maandag 24 mei 2010

Indha Cadde Oo ka Soo Horjeestay Ciidamo Kale Oo dowladda Loo Soo tababar.


Muqdisho, Somaliya (SF) - Wasiiru Dowlaha Gashaandhiga ee Dowladda Federaalka KMG ee Somaliya Sheekh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa ka soo horjeestay Ciidamo kale oo DFKMG loo Soo Tababaro, Waxa u sheegay in Ciidamada aysan noqon doonin kuwa Dowladda loo soo Tababaro balse aay noqon doonan kuwa loo soo Tababaray Alshabaab Iyo Xizbul Islaam

Sheekh Yusuf Indhacadde waxa u sheegay in Ciidamadii hore loo soo Tababar aay iyagu Xilligan yahiin kuwa ku jira Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, kuwa cusubna aay iyaguna Sidaa oo kale noqon doonan, waxana uu ka digay in Waqtiga lagu Dhameeyo Ciidamo aan waxba qabaneyn Sidaa u hadalka u dhigay

Hadalka Indhacadde ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Turkigu sheegtay inay Ciidamo u soo tababareyso DFKMG ee Somaliya

Geen opmerkingen:

Een reactie posten