donderdag 10 juni 2010

Boliska Burco oo qabtay hub ito Waxyaalaha qarxa.

Booliska Burco Oo Qabtay Hub Iyo Waxyaalaha Qaraxa

Burco- Magaalada Burco ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor imaad rasaas la adeegsaday oo dhex maray booliiska iyo nimaan la rumeysan yahay inay xidhiidh la leyahiin Kooxaha Xagjirka ah Ee Somaliya ka dagaalama, Iska Hor imaadkan ayaa ka bilowday Xaafada Actober ee Magaalada, Waxana intaa la Ogyahay ku dhintay Hal Askaari, Sidoo kale waxa dhaawac ka soo gaaray Taliyeyaashi Boliska iyoTaliyihii Saldhiga Bariga Burco.

Iska Hor Imaadkan oo aha mid xoogan ayaa Boolisku Ugu dambeyntii ku guuleysteen inay gudaha u galan Gurigii la Tuhunsana, Waxana lagu qabtay Guriga Sidaa u sheegay Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gen Maxamed Saqadhi Dubad 11 Ruux oo 4 ka mid ah aay yahiin Haween, Sidoo kale taliyahu waxa u sheegay in la qabtay Hub iyo Walxaha qarxa oo guriga Oola

Kooxda guriga ku jirtay ayaa la rumeysan yahay inay Xidhiidh la lahayeen kooxaha islaamiyiinta Ah ee Koonfuurta Somaliya

Yaldo online.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten