woensdag 9 juni 2010

Madaxweyne Riyaale oo Doorashada uga soo Ijaaso qaadanaya Awowyaashii

June 10, 2010 Madaxweyne Rayaale oo Doorashada uga soo Ijaaso Qaadanaya Awowyaashii Beelaha Somaliland

Waxa la Filayaa in uu meel Fagaare ah kala Hadli doono Dadweynaha ku nool Ceerigaabo

Ceerigaabo (Waaheen) - Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu Hogaaminayo, ayaa shalay galab u ambabaxay xarunta Gobolka Sanaag ee Magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay qaaday diyaar khaas ah waxa madaarka Ceerigaabo ku soo dhaweeyay Wasiir-kuxigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo), Badhasaabka Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag iyo Boqolaal dadweyne ah, Waxaana loo galbiyay Gurriga State House-ka ee Magaalada Ceerigaabo oo la dajiyey.

Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynihii tirada badnaa ee soo dhaweeyay ayaa mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen waxaanu yidhi: “Aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinaya dadweynaha reer Ceerigaabo ee manta oo dhan noo taagnaa qorraxda aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin insha’allahuna waynu is arki doonnaa”.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiirada Arrimaha Dibada, Maaliyadda, Duulista Hawada, Kalluumaysiga, Ciyaaraha, Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada, Wasiirka Reer Miyiga, Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta, Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka xisbiga UDUB, Guddoomiyaha olalaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka oo ka soo jeeda gobolka Sanaag iyo Madax kale..

Safarkiisan oo la xidhiidha ololaha Doorashada madaxtooyada Somaliland oo loo oloolan adagi kaga imanayo labada xisbi mucaarid waxa la filayaa inuu ku horeeyo Magaalada Maydh oo ay ku aasanyihiin Awowyaashii Beelaha Somaliland (Sheekh Isaxaaq, Sheekh Samaroon iyo Sheekh Ciise) kuwaasoo uu ka soo barakaysanayo ugana soo Ijaaso qaadanayo Doorashada si mar kale loo doorto.

Madaxweynaha Somaliland Md Rayaale waxa la filayaa in uu meel fagaare ah kala hadli doono dadweynaha ku nool magaalada Ceerigaabo maalinta dambe ee ay u leeyihiin isu soo baxa ama ololaha doorashada madextooyada oo uu kala hadlo meel fagaare ah si uu taageero uga raadsado bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag.

Sida oo kale waxaa lagu wadaa wakhtiga uu ku sugan Goobolka Sanaag madexweynuhu inuu kulano gaar gaar ah la yeelan doono madex-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo.

Safarkan madexweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin uu ugu ambabaxay xarunta Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu isna ku soo beegan yahay Gobolkaas iyo magaalada Ceerigaabo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ahna musharaxa jagadaa madexweynenimada xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe

Geen opmerkingen:

Een reactie posten