woensdag 30 juni 2010

Cabashooyin ka soo baxaya tirinta codadka doorashada

Cabashooyin ka soo baxay tirinta Codadka Doorashada iyo Komishanka iyo Axsaabta oo ka wada hadlaya

Hargeysa,(Qarannews)-Wararka ka soo baxaya tirinta Codadkii Doorashada ayaa sheegaya in xisbiyada qaarkood cabasho u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka si wax looga qabto sanaadiiqda cabasahadu ka taagan tahay
Af-hayeenka guddida Doorashooyinka Qaranka oo u waramay wariyaha BBC da ayaa sheegay in la soo gaba-gabeeyay tirinta Sanaadiiqdii ugu danbaysay ee ka yimi goobaha codbixinta, isla markaana ay saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonaan natiijada ku meel gaadhka ah ee ka soo baxday Doorashada hase yeeshee waxa uu Af-hayeenku carabaabay inay jirto cabashooyin ka soo gaadhay Xisbiyada qaarkood taasi oo ay ka wada hadlayaan six al looga gaadho

Meelaha ay cabashooyinku ka taagan yihiina waxa ka mid ah Gobolka Sanaag, Tog-dheer iyo Gabilay kuwaasoo la sheegay in xisbiga Udub ku dacwoonayo in xisbiga Kulmiye ku shubtay

Cabashada xisbiga Udub ka cawday goobahaasi ay sheegeen in lagaga shubtay ayaa waxay keentay inay ku hanjabaan inaan sanaadiiqda laga qaadin goobahooda ilaa inta lagu kala baxayo, taasina waxa keentay ilaa shalay inay mashquul galaan hawl-wadeenadii Axsaabta iyo guddida Doorashooyinkuba

Waaheen

Geen opmerkingen:

Een reactie posten