maandag 28 juni 2010

Dabaal-degii Jabouti ee sanadka 33aad

Hargeysa -Wadanka Jabuuti ayaa maanta u dabaal degay sanadguuradiisii 33-aad kasoo wareegtay xiligii xoriyada uu qaatay 27.June.1977,waxaana xalay iyo maanta gudaha wadankaasi ka soconaayay damaashaad ay dhigayaan dadweynaha dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay guriga umada ee dalkaasi.
Wuxuu sheegay in Jamhuuriyada Jabuuti uu maanka ku hayo halyeeyadii u soo halgamay wadanka,isagoo ilaahay uga baryay intii ku dhimatay halganka xornimada in janada fardowso ka waraabiyo.


Sourece waaheen.
”…Cidii joogtay xiligii aanu xoriyada qaadanay 33-sano ka hor iyo kuwa maanta dhashey waxaan u sheegayaa in wadanka Jabuuti uu horumar ku gaaray midnimo maanta qolo qolo iyo reero hadii aynu  iska dayn wayno waxaan galaynaa dhibaato…”,ayuu yiri.
Mudane Ismaacil Cumar Geelle ayaa sheegay in ay jiraan dad siyaasiyiin isu maleeya oo doonaaya in kala gooyaan dad wadaaga qaran,diin iyo hal calan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kooxahaasi oo uusan carabaabin ay doorasho aan joogin ay kusi xiiqayaan.
Mar u soo hadal qaaday dhaqaalaha wadanka Jabuuti inta uu ku guda jiray khudbadiisa ayaa waxaa u sheegay in horumarka dhaqaale ee wadanka uu ku talaabsaday horumar la taaban karo.wuxuuna sheegay in wadanka uu horumar ku gaari karo dadaal,midnimo,xirfada iyo waxbarashada da’a yarta soo koraysa.
”…Geedi socodka siyaasadeed ee dalka waxaa uu codsanayaa dimooqraadiyad,dimooqraadiyadaasina waxaa ay codsanaysaa xeer,xeerkuna waxaa uu codsanaaya in sharciga la ilaaliyo iyo in dadka la ixtiraamo…”,ayuu sheegay.
Dabaal dega xoriyada Jabuuti ayaa kusoo beegmaaya xili maalinimadi shalay oo ku beegnayd 26-ka June oo ah xiligii ay xoriyada qaateen gobolada Waqooyi. Kuna beegneyda 50 guuradii Xoriyada ay ka qaateen dalka ingiriiska , waxana  dalka Somaliland shalay ka dhacaday doorashda madextooyadu oo ay ku Tartamayeen  Saddexda   Xisbi qaran ee dalka Somaliland ka jiraa iyada oo ilaa imka aan la shaciin Natiijadii ka soo baxaday

Geen opmerkingen:

Een reactie posten