donderdag 3 juni 2010

Riyaale Oo Carro kula dhacay Mulkilayaasha Goob Calanka Xisbiga Kulmiye laga taagay (Daawo Sawiro)


Riyaale Oo Carro kula dhacay Mulkilayaasha Goob Calanka Xisbiga Kulmiye laga taagay (Daawo Sawiro)

Hargeysa, - Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa shalay soo xidh xidhay mulkiilayaasha EX-Hotel Kulmiye oo ka soo hor jeeda Madaxtooyada. Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa qoriga dabadiisa ku garaacay Xasan Maxamed Ducaale, Xuseen Maxamed Ducaale, Sahal Maxamed Ducaale iyo Hodan Cumar Cismaan-Canjeex oo ay abti u yihiin, kuwaas oo ay ku xidheen madaxtooyada gudaheeda kaddibna ay u taxaabeen saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Dhacdadan ayaa ka dambeysay kaddib markii mulkiilayaasha Ex-Hotel Kulmiye shalay dhismahooda ka taageen calanka xisbiga Kulmiye oo sida la sheegay ay ka kireeyeen hoteelka. Wararka ayaa inta ku daray in Madaxweyne Daahir Rayaale u soo diray nin ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada oo lagu magacaabo, Axmed Yey, kaas oo u sheegay mulkiilayaasha in Madaxweynuhu lacag siin doono isla markaana ka codsaday in aanay cid ka kireyn, hase ahaatee mulkiilayaasha ayaa codsigaasi ku gacan seydhay.
Dhacdadan ayaa salka ku haysa muran u dhexeeya milkiilayaasha guriga iyo ciidanka ilaalada madextooyada Somaliland, kuwaas oo habeen saddexaadkii si lama filaan ah calanka xisbiga KULMIYE u sudhay guriga, isla markaana ay markeliya ku hamba-bareen ciidamada Madaxtooyadu, sidaana ay uga fur-fureen.
Si kastaba ha ahaatee mulkiilayaasha ayaa shalay aroortii bilaabay inay albaabada dhismahooda mariyaan rinjiga astaanta xisbiga Kulmiye muujinaya kaddibna ilaalada Madaxtooyadu arrintaasi ka cadhoodeen isla markaana qoriga dabadiisa ku garaaceen mulkiilayaasha iyo gabadha abtiga ay u yihiin.
Dhinaca kale weriyayaal ka tirsan warbaahinta madaxa banaan oo dhacdadaa kaddib goobtaasi war doon u tagay ayaa ciidanka bileysku xabsiga u taxaabeen kaddib markii uu amar ku bixiyay in la xidho taliyaha ciidanka bileyska, Maxamed Saqadhi Dubbad oo ay caado u tahay inuu xidh xidho suxufiyiin gudanaya waajibkooda shaqo.
Suxufiyiinta la xidhay ayaa kala ahaa, Guddoomiyaha Wargeyska Saxafi, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax,Tifaftiraha Shabakadda wararka ee Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamed Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo hawlwadeenno ka tirsan Idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Abiib Timacade
Wargeyska Haatuf + Somalifans Online
WordPress .

Geen opmerkingen:

Een reactie posten