Halkan Ka Akhrista Nuxurka Khudbad Dheer Oo Uu Madaxweyne Rayaale Maanta Ka Jeediyey Ololihii Doorashada Ee Xisbiga UDUB
Hargeysa - Madaxweynaha Somaliand Md. Daahir Rayaale Kaahiin, ayaa maanta si qoto-dheer uga hadlay sooyaalkii wax-qabad ee xukuumada uu Madaxweynaha u yahay, tii taariikheed ee Somaliland iyo
qabsoomida doorashada madaxtooyada.
Madaxweynuhu waxa uu sidan ka sheegay khubadbad oo uu maanta ka jeediyey isu-soo-bixii ololaha doorashada ee xisbiga UDUB maanta ku soo bandhigay magaalada Hargeysa.
Waxaana uu Madaxweynuhu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Mudanayaal iyo Marwooyin,Waxa aan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo madashan qiimaha badan ee ay isugu soo baxeen kumanyaal ka mid ah taageerayaasha faraha badan ee bahwaynta xisbiga UDUB.
Ugu horeyn, waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa guud ahaan Shacbiga Somaliland; xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB meel kasta oo ay joogaan iyo inta jecel jiritaanka qaranimada iyo nabdoonaanta Somaliland.
Waxa kale oo aan duco u hibaynayaa Illaahayna u baryayaa inuu Janadiisa ka waraabiyo dhamaan inta hoygii lama huraanka ah inooga horeeysay ee ka soo qayb-qaadatey dib u xorayntii iyo dib u dhiska dalkan Somaliland. Kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa yagleelka iyo taabagalinta qarankan sida Marxuum, Cabdiraxman Axmed Cali; Marxuum, Maxamed X. Ibrahim Cigaal; Marxuum, Sh. Ibrahim Sh. Yusuf Madar,
Mujaahidiintii Naftooda u hurey dib-u-xoreyntii dalkan, Dal-jirayaashii ciidamada qaranka ee difaaciisa u god galay, Madax-dhaqmeedkii iyo waxgaradkii bulshada, Iyo inta kale ee badan ee Inaga baxday oo aynaan halkan ku wada xusi Karin, balse ku xardhanaan doona bogaga taariikhda Somaliland.
Walaalayaal,
waxaan jecelahay in aan idin xusuusiyo, in markii xisbiga UDUB ku guulaystay hogaaminta dalka uu dejiyay siyaasad cad iyo qorshe dhamaystiran oo uu ku beegsanayo taabagalinta qaranimada Somaliland. Taas oo ay ugu mudnaayeen:
In laga guuro siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro dawladnimo Dastuur ku dhisan oo Xeer iyo kala dambeyni ka jirto;
Baadi-doonista aqoonsiga Qarannimada buuxda ee Somaliland;
Xoojinta amniga iyo walaaltinimada shacbiga somaliland, sugidda soohdimaha Dastuuriga ah ee dalka, fidinta iyo gaadhsiinta maamulka goob kasta oo dalka ka mid ah.;
Soo noolaynta iyo horumarinta adeegyadda aasaasiga ah ee bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha;
Taabagelinta garsoorka iyo cadaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.
Walaalayaal,
Waxa marag ma doon ah in xisbiga UDUB iyo Xukuumadda uu hogaaminayay ay guulo muuqda ka soo hooyeen markastibana u taagan yihiin gudashada masuuliyadii qaran ee ummadda Somaliland ku aamintay. waxa hubaal ah inuu abuurmay hanaan siyaasadeed oo ku dhisan tartanka axsaabta badan;
Maamulkii dawladda Somaliland la gaadhsiiyay xuduudihii qaranka ee dastuuriga ahaa;
Adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada sida caafimaadka iyo tacliinta; biyaha & korontada; ammaanka, garsoorka, iwm ilaa heer fiican la gaadhsiiyay dhamaan gobolada & degmooyinka dalka.
Waxaynu gaadhnay heer ay bulshadda caalamku ay qiraan horumarka aynu ku talaabsanay oo ay tusaale iyo Miqyaas Caalamka soo koraya inooga dhigato;
Hirgalinta Doorashooyinka
Kadib, Geeridii Madaxweynaheenii hore, Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxaanan go’aansaday anigoo Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aan hirgaliyo himilada shacbiga ee taabagalinta dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah wax kasta oo ku kacayso.
Waxa ilaahay fadligiisa noo suurtagashay in aanu dalka ka hirgalino nidaamka doorashooyinka oo aynu qabano doorashadii golayaasha degaanada Diisambar 2002dii, tii madaxtooyada April 2003, tii Golaha Wakiilada Sept. 2005; iyadoo doorashada madaxtooyada ee aynu maanta u taaganahay noqonayso tii afraad ee dalka ka qabsoonta. Waxa dad badani ogsoon yihiin, in geeridii Madaxweyne Cigaal ka dib ay waxgarad badan oo xilligaa ka werwersanaa saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto isku duubnida ummadda, karaan-keena dhaqaale, iyo arrimo kale oo la hal maala ay talo ahaan iigu soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo la ii cusboonaysiiyo xilka muddo sanado ah. hasa yeeshee waxaan go’aansaday in aanan aqbalin soo jeedintaas oo aan hirgeliyo himilada ummadu higsanaysay ee doorashooyinka, Alle Mahadi haka gaadhee sidaas bay ku qabsoontay doorashadii madaxtooyaddu, guushiina ugu soo hoyatey xisbiga UDUB ee ii sharaxay xilkaas, anigana la iigu doortay Madaxweyne Dastuuri ah oo ku yimi doorasho dadweyne oo toos ah.
dhamaystirka geedi-socodka dimoqraadiyaddu ma ahayn hawl sahlan, waxa aad goob joog ka wada ahaydeen in aan Maxkamadda Dastuurka u gudbiyey dacwad dastuuriya, ka dib markii Labada Gole ay cod aqlabiyadda ah 2/3 ku soo jeediyeen xeer aan suurto gelinayn in Doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay, si loogu cusboonaysiiyo xubnihii golaha fadhiyey waqtigaa. Taas oo aan u arkayay in ay caqabad ku noqonayso himiladii ummadda iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, waana ta suurta gal ka dhigtay in ay qabsoonto Doorashadii ay ku yimaadeen Golahan Wakiilada ee maanta fadhiya.
Waxaan ku kalsoonahay in sidii wadaniyada iyo bisaylka lahayd ee xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga bahwaynta UDUB ay xisbigooda ugu ayideen doorashooyinkii hore ay doorashadan maantana codkooda u hibayn doonaan.
Walaalayaal, waxa lagama maarmaan ah in aan is xasuusino, in qalalaasaha iyo colaada ka oogan mandaqaddan aan ku nool nahay aan kaga badbaadnay fadliga ilaahay ka sokow, hogaaminta iyo siyaasadda Xukuumadan Xisbiga UDUB ay ku hagayso ummadeeda.
Waxa la yaab leh, Rag masuuliyiin ah oo Sharcigu siiyay in ay si xalaal ah ugu tartamaan kursiga ugu qiimaha badan ee dalkan, in ay hamuunta ay u qabaan kursigani ka indhatirto tixgelintii Dastuurka iyo nidaamka dawliga ahi ka mudnaayeen, iyagoo sidii Qawmkii Reer Bani Israa’iil ee kitaabka markay dan leeyihiina qaadan jiray markay doonaanna iska tuuri jiray ay ku talaabsadeen balanqaadyo dhalanteed ah oo aan Dastuurka meelna kaga soo aroorin. Waxa tusaale inoogu filan xilalka qayrul-Dastuuriga ah ee xisbiga KULMIYE durba ku yaboohay iyo siday ugu haliilayaan inay bedelaan Dastuurka ummadani 97% ku ansixisay. Taasi waxay ka marag kacaysaa sida aanay ugu aabo-yeeleen Dastuurka iyo doonista ummadda haddii awooddu gacantooda ku jiri lahayd.
Waxaan ummadda Somaliland u sheegaynaa in Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisa marnaba aanay ka suurtagalayn, cid kalena ku saacidi doonin in la maydhaamo Dastuurka iyo sharciyadda dalka u dejisan.
Taas awgeed, Waxaan masuuliintaas ku leenahay; walaalayaal, Dastuur iyo shuruuc baa inoo qoran, si cad u qeexaya tubta loo marayo madaxtinimada aad u jeellan tihiin, ka baaqsada in aad noqotaan ashkhaas hadba wixii ay u maleeyaan inay taageero ku kasbanayaan ku dhaqaaqa, iyagoo aan wax ixtiraam ah siin sharciga iyo doonista ummadda midnaba.
Sugidda Xuduudaha iyo Madaxbanaanida Somaliland
Sidaa wada og tihiin, dal kasta oo Caalamka maanta ka jira, waxa ugu horeeya ee lagu qiimeeyo laguna qadariyaa waa sida maamulkiisu Xuduudihiisa u gaadh-siisan yahay; wada jirka bulshadiisa iyo is neef ogolaanshahooda, iyo heerka Nab-doonaanta. Sidaa darteed, waxaan go’aansaday in wax kastaba aan ka horeysiiyo sidii taas loo heli lahaa wax kasta oo ay ku kacayso.
Waxa si laxaad leh kor loogu qaaday tiradii, tayadii & saanaddii ciidamada Qaranka, iyadoo loo dhamaystiray dhamaan wixii ay u baahnaayeen dhinacyada hubka, tiknikada, gaadiidka, isgaadhsiinta & saadka. Taas oo lagu bixiyey maaliyad aad u badan.
Dhinaca kale, waxa tababaro iyo fursado waxbarasho ilaa heer jaamacadeed la siiyay ciidan tiro badan iyo raxan ka mid ah saraakiisha ciidamada qaranka. Waxa la aasaasay dugsiyada tababarka ciidamada qaranka ee ku yaala Gorayo-cawl, Darar-weyne iyo Sheikh.
Waxa kor loo qaaday anshaxa ciidanka. Iyadoo dib u habayn lagu sameeyay waaxda garsoorka ciidamada qaran
Halgan adag oo wajiyo badan lahaa ka dib, Ilaahay fadligiisa waxa lagu guulaystay in la gaadho xuduudihii dastuuriga ahaa ee qaranka JSL. Taas oo suurtagalisay in shacbigii degaanadaas ku dhaqani helaan xuquuqahoodii is maamul, horumarineed iyo siyaasadeed, iyagoo markii ugu horaysay hadda ka qayb qaadanaya doorashadan.
Maamul Daadejin
Walaalayaal,
Iyadoo la tixgelinayo waajibka dastuuriga ee hoos u daadejinta maamulka Xukuumadda, fidinta adeegyada aasaasiga ah iyo rabitaanka dadweynaha; waxa la abuuray todoba gobol oo cusub. Kuwaas oo kala ah: Salal, Gabilay, Oodweyne, Buuhoodle, Saraar, Badhan, Hawd iyo 20 degmo oo cusub.
Xoojinta Nab-doonaanta Bulshadda Walaalayaal, Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa aasaaska nolosha aadamaha, dalna wax horumara kuma talaabsan karo haddii aanay nabadi jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin. Taasi waxay ku timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay’adaha nabadgelyada u xilsaaran ee Ciidamada Qaranku kow ka yihiin; madax dhaqameedyada iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin.
Sida aad wada dareensan tihiin, waxa jira cadow badan oo u quudhi waa iyo xiqdi dartii doonaya inay curdin dhadhiyaan dimoqraadiyadda iyo horumarka aan ku talaabsanay iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. waxa hubaal ah in cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan Karin hadii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inoo maleegayo gacan ka geysanaya. Kuwaas oo laga yaabo in maslaxado maadi ama siyaasi ah lagu dagay ama caqliga laga xaday.
Shirqoolada ay cadawgu inoo maleegayaan waxa tusaale inoogu filan fal-dhagareedkii axmaqnimada ahaa ee kooxo argagixiso ahi 29 Oktoobar ka fuliyeen madaxtooyadeenii Qaranka iyo xarumo kale oo muhiim ah oo caasimada ku yaala. Falkaas arxandarada ah oo lagu xasuuqay muwaadiniin labaatan kor u dhaafay intaa labanlaabkeedna ku dhaawacmeen. Intii ka dambaysay fal-dhagareedkii 29 Oktobar 2008, waxa la labanlaabay feejiganaantii ciidamada amniga iyo iska kaashiga ay la leeyihiin muwaadiniinta xalaalasha ah. Taas oo suurtagelisay in tiroba dhawr jeer gacanta lagu dhigay hub culus oo dalka la soo geliyay.
Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamig Intii Xisbiga UDUB uu talada hayay waxa habeen iyo maalinba dedaal loogu jiray sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd dalalka la aqoonsan yahay. Sidaas darted waxay wasaarada hawshan u xil saarani ku guulaysatay in ay dalal badan oo dunida ka mid ah ku qanciso xaqa ay u leedahay dalka Somaliland in loo tix geliyo madaxbanaanideeda ku timi doonista shacbiga Waxa la sameeyey siyaasada arimaha debeda ee dalka jamhuuriyada Somaliland (foreign Policy). Waxa lagu guulaystay in 23 wadan oo aduunka ka mid ah laga furo xafiisyo ay joogaan wakiilo rasmi ahi iyo qaar ay joogaan wakiilo sharafeedy, Waxa si aan kala go’ lahayn loo abaarray ururada ay ka mid yihiin EU-da, AU, Jaamacad Carabta, Urur-goboleedka IGAD, taasina ay keentay in si cad oon madmadow ku jirin loo kala saaro qadiyada Somaliland iyo arimaha Somaliya.
Waxa kale, safaro aqoonsi raadin ah oo ku siman ilaa heer Madaxweyne, Madaxweyne ku-Xigeen, Wasiiro, Xildhibaano lagu booqday ugu yaraan 24 dal dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.
Waxa suurto gashay in baasaboorka Somaliland lagu tago wadamo badan oo dunida ah.
Waxa suurto gashay in weftiyo sare oo xaqiiqo raadis ahi dalka yimaadaan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka ururka Midowga Afrka (AU), Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka Kenya, iwm.
Waxa kale oo lagu guulaystay in xidhiidh iskaashi wacan lala sameeyay dalalka jaarka sida Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo yemen. Waxa kalood ogtihiin in midhaha Safaradaasi ka soo baxay ay suurto galisay in markii ugu horeysay muddo 19 sanadood ah ay dalkeena booqasho ku yimaadaan, Masuuliin sare oo ka socda Dawladdaha Maraykanka, Ingiriiska, sida: Mrs. Jendayi Frazer (Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsanaa Arrimaha Africa) Iyo Cris Millen (Wasiiru-Dawlaha arrimaha Afrika ee Ingiriiska)
Xukuumada Somaliland waxay Kharash ku bixinaysay sharci yaqaano iyo la-taliyayaal dhinaca horumarinta qadiyada Somaliland. Taasina waxay keentay in la kasbado dalal badan, hay’ado iyo jaamacado badan oo aduunka ah iyadoo aqoon yahano badani haatan u ololeeyaan qadiyada Somaliland. Waxa aqoonsi raadinta kaalin mug leh ka qaata jaaliyadaheena debeda oo ay hormuud u yihiin hawlwadeenada xisbiga UDUB ee wadamada debeda.
Waxa soo bidhaamaya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo aan rajo wayn noo muujiyeen wadamo badan oo aynu saaxiibo nahay.
Waxa nasiib darro ah in marka ay wufuud dawladda ka socotaa safar ugu baxdo dibedda si loo sii ambaqaado aqoonsi raadinta ay marwalba barbar socdeen baaqyo iyo dhambaalo ku lidi ah dedaalka xukuumadda ee aqoonsi raadinta oo ka imanayay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xisbiga KULMIYE; mararka qaarkoodna ay abaabulayeen mudaharaadyo looga gol lahaa in la wiiqo sumcadda wanaagsan iyo qadiyadda gooni isu taaga Somaliland.
Daryeelka Bulshada Tabaalaysan
Waxa la abuuray xarumaha dhaqancelinta naafada oo muwaadiniinta laxaadkoodu dhiman yahay u fidiya adeegyo kala duwan.
Waxa caasimadda laga sameeyay Xarun cusub oo ay gacanta ku hayso hay’adda SOS. taas oo lagu koriyo caruurta agoomaha ah ee aan haysan cid kafaala-qaada. Waxa taa barbar socda xarumaha daryeelka agoomaha ee hore u jiray oo ay dawladdu maamusho.
Waxa taakuleyn dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada caruurta ah loo fidiyaa 4000 qoys oo sabool ah oo ku nool caasimada.
Waxa muwaadiniinta danyarta ee ku nool xaafadaha dacalada Hargeysa loo dhisay 84 guri oo jaajuur ah iyo 630 jiingadood
Intii u dhaxeysey 2003-2008 waxaa dalka lagu soo celiyey muwaadiniin tiradoodu gaadheysa 42469 Qof oo qaxooti ku ahaa Itoobiya iyo Djbouti.
950 Qoys oo u badan Qaxooti dalka ku soo laabtey iyo qoysas ay wax yeeleeyeen duufaano ayaa loo qeybiyey 9500 neef oo adhi ah.
Waxa tababaro xirfadeed loo sameeyay 2517 qof. Xirfadahaa oo kala ahaa korantada, Nijaarida, Wasdaadida, Maamulka Xafiisyada, Combuterka, Biyo gelinta iyo biro-laabida.
Kobcinta dhaqaalaha dalka waxa lagu talaabsadey in Dhakhliga la kordhiyo, Maamullka cashuuraha iyo dhaqaalaha bulshada oo la isu dheelitiro. Waxa lagu dhaqaaqay nidaamka dhaqaale ee is gaashaan-buureysiga dawladda iyo ganacsatada gaarka ah oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Public Private Partnership (PPP). Taas oo lagu tijaabiyay Biyaha Boorama, imikana tijaabadii labaad lagu ku eegayo korontada Berbera.
Waxa Xukuumaddu dedaal badan ka gashay sidii laynooga qaadi lahaa xayiraada la saaray dhoofka xoolaheena. waxa ay heshiis ganacsi la gashay ganacsadaha weyn ee Al-Jaabiri, isaga oo ka sameeyay dalka Maxjar weyn oo lagu xannaaneeyo laguna baadho xoolaha inta aan la dhoofin. Maxjarkii labaad ayaa isna dhismihiisu gabogabo joogaa
Waxa dhismihiisii iyo qalabayntiisiiba la dhamaystiray machadka sare ee xanaanada xoolaha iyo Shaybaadh lagu baadhayo tayada cuntada (quality control).
Dalka Ethiopia ee aynu jaar nahay oo ah saylad balaadhan oo wax soosaarkeena u iib gayn karno waxa noo socda wada-hadal heshiis is weydaarsi baayac mushtari, iyadoo horena uu ina dhex maray heshiis ku saabsan isticmaalka; dakadaheena, haamaheena, iyo madaaradeena,
Waxanu joogtaynay in qiimaha sarifka dollarka la ilaaliyo si aaanu is-bedbedelkiisu u saamayn ascaarta iyo maciishada. Taas oo suuragelisay in aanu sarifku isbedelin muddo shan sanno iyo dheeraad ah.
Xukuumaddu waxay dhammaystirtay barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland oo la filayo inuu wax weyn ka taro horumarinta dhaqaalaha. Barnaamijkaas oo soconayaa muddo Shan Sanno ah oo ka soo bilaabantey sanadkii 2008dii, waxa ku bixi doona lacag dhan $ 550’000’000/- (Shan boqol iyo Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah).
Walaalayaal, waxaan idiinku Bushaaraynayaa in halgan kii dib u dhiska dalka ee Sabirka iyo Dulqaadku waraabinayey ay rajo iyo kalsooni cusubi ay soo food saartay.
Warshadaha
Si Xukuumadu u dhiirigaliso warshadaynta iyo waxsoosarka wadaniga ah waxay go’aansatey in cashuur dhaaf iyo diiwangalin lacag la’aan ah (Free Registration) loo sameeyo ciddii kasta ee doonaysa inay dalka keento wershad.
Taasi waxay dhiirigalisay inay dalka ka hana qaadaan ugu yaraan 20 wershadood oo ay leeyihiin muwaadiniin. Kuwaas oo soo saara badeecado kala duwan oo markii hore ay inagaga bixi jirtey lacag adagi; sida, biyaha, sharaabka, hargaha, saabuunta, furaashyada, shambooga, balastikada, hilibka, tabaashiirta. Iwm.
Waxa kale, oo iyana diyaara oo diiwaangelintoodii iyo daraasadoodiiba dhamaatay tobaneeyo warshadood oo la filayo in si dhakhso loo hirgaliyo.
Beeraha Waxaa la dhisey naxaro dharerkiidu yahay 2686 Mitir
Waxaa la qeybiyey Bomamka waraabka ah beeraha oo tiradoodu dhan tahay 1128 bam Waxaa la dhisey kanaalo waraab oo dhererkoodu yahay 9500 Mitir Waxaa la qodey Lana dhisey 55 ceelalka waraabka ah beeraha
Waxaa la sameeyay biyo-xidheeno (Sub-Surface dams) tiro badan oo laga xidhay dooxyada
Waxa la bixiyey tababaro kala duwan oo beeraleyda loo sameeyey Waxaa la dhisay Lana hagaajiyey 30 ceel biyood Khayraadka Dabiiciga ah Si loo helo macluumaadka shidaalka iyo macaadiinta dalkeena ku duugan, oo helitaankeeda ay darbiyo adagi inaga hor taagnaayeen oo ay ka mid tahay aqoonsi la’aan; waxay Xukuumadu heshiis la gashey shirkad la yidhaa TGS/NOPEC. Shirkadaasi waxay inaga caawisay Sahanka iyo macluumadka shidaalka dalka, iyadoo adeegsanaysay diyaaraddo ay saaran yihiin qalab casri ahi, waxay sahamo kala duwan ka samaysay baddeena iyo barigaba. Sahankaas oo la soo gabo-gabeeyay sanadkii tegay waxaa ka soo baxday natiijo lagu farxo. Waa markii u horeysay ee dalkani helo dhokomenti rasmi ah oo ku saabsan macluumadka Shidaalka dalka ku jira bad & berriba. Waxa ay xukuumadu ka hawlgashey adkeynta dhoofinta macdanta sharci darrada ah ee dalka, iyadoo goobaha kastamada iyo madaaradda lagu xoojiyey masuuliyiin u xilsaaran qabashada dhoofinta macdanta aan sharciga aheyn.
Waxbarashada.
Walaalayaal
Xukuumaddu iyada oo mudnaanta koowaad siinaysa horumarinta iyo tayaynta waxbarashada dalka, waxay ku bixisay dedaal dheeraada horumarinta waxbarashada:
waxay xukuumadu ku tallaabsatay inay waxbarashada gaadhsiiso min heer gobol, degmo ilaa tuulo.
Waxa dalka laga dhisay dugsiyada Hoose/Dhexe tiradoodu dhan tahay 639 dugsi oo ku baahsan dhamaaan gobolada & degmooyinka dalka. Tirada dugsiyada sare ee dalka laga hiragaliyey waxay dhan tahay 67 Dugsi sare oo ku baahsan dhamaan gobolada & degmooyinka dalka
Waxa kale oo la dhisay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada oo lagu kordhiyey dhisme Dabaq ah-
Xarun Cilmiyeed ( Resource Centres )
Xarunta Imtixaanaadka oo si buuxda qalab ahaan iyo agab ahaaba loogu dhamays tiray.
Guri oo ah kuwa macalimiinta ee dugsiyada ku dhexyaal. Waxa la dayac-tiray, si buuxda loo qalabeeyey 17 xafiis oo ka mida kuwa xarunta dhexe Waxa la dayac-tiray korna loo qaaday deyrka xarunta dhexe.
Si caruurta qoysaska reer guuraaga ahi u helaan fursad waxbarasho waxa la hirgaliyay Dugsiyada quudinta leh oo tiradoodu dhan tahay 224 dugsi. Kuwaas oo loo dhisay madbakh, Istoodh iyo qolka cuntada oo si buuxda loo qalabeeyay iyo maacuun ka kooban kuwii wax lagu karinayey, kuwii wax lagu cunayey iyo kuwa wax lagu cabboba.
Tirada macalimiinta & shaqaalaha ka hawlgala dugsiyada dawladda waxay dhan yihiin 2478. Shantii sanadood ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho debadda loogu direy arday tiradoodu dhan tahay 249 arday. Kuwaas oo tagay wadamada Itoobiya, Kenya, Ugaandha, Suudaan, Yeman iyo Masar.
Sidoo kale, shantii sanno ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho oo dalka gudihiisa loo fidiyay 4019 macalin oo aqoontooda la gaadhsiinayo heer Diploma iyo heer Degree Tirada ardayda wax ka barta xarumha waxbarshada dadka waa-weyn waxay dhan yihiin 23778.
Tirada ardayda wax ka barata dugsiyada dhaqaalaha Qoysku (Family Life Education Centers) waxay dhan yihiin 6230 arday. Tirada dugsiyada Waxbarashada Dadban ee la dhisay waa 44 Dugsi.
Dugsiyada farsamada gacanta iyo xarumaha xirfadaha kala duwan waxa ka qalin jabiyay arday tiradoodu dhan tahay 4359 arday.
Tacliinta Sare
Waxa dalka Somaliland ka hano qaaday 5 Jaamacaddood. Sidoo kale waxa diiwaan gashan 4 Jaamacadood oo kale oo dhawaan la abuuray.
Tirada ardayda wax-ka-barata Jaamacaddaha Hargeysa, Camuud, Burco, Admas iyo Golis waxay kor u dhaafeen 5400 oo arday, waxa ka qalin jabiyey aqoonyahano isugu jira saynisyahano, dhakhaatiir, maamul-yaqaan, sharci-yaqaan, iwm, .
Waxa kale oo la abuuray, Kulliyadda Cilmiga Badda iyo Kalluumaysiga ee Berbera, Jaamacadda Tima Cadde ee Gabiley iyo Jaamacadda Nugaal ee Laas-caanood oo iayana hadda shaqeeya.
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Waxaa la dhisay dhamaan Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan oo kala ah: 1. Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland
2. Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Somaliland
3. Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha Somaliland Kuwaasi oo maanta si buuxda u shaqeeya oo xafiisyadooda iyo sharciyadooda leh.
Waxa la bilaabay in la qabto tartanka Ciyaaraha Gobollada dalkeena sanadkiiba hal mar. Waxa kale oo la hir-galiyey tartanka Ciyaaraha ee Gobol kasta degmooyinkiisa dhex mara (Inter Regional Tournament).
Waxa kale oo qorshaheeda gacanta lagu hayaa, sidii magaalooyinka waawayn looga sameyn lahaa Garoomo Dhallinyaradu ku Ciyaarto.
Caafimaadka:
Waxaa la dhisay 37 xarumo caafimaad (Health Centers) oo ku baahsan dhamaan gobolada dalka.
Waxaa la kordhiyay 69 rugo caafimaad (Health Posts) oo laga hirgeliyaya 69 tuulo oo ku baahsan dhamaan gobolada dalka.
Geen opmerkingen:
Een reactie posten