vrijdag 25 juni 2010

Khubaro reer Norway ah oo sheegay in qaadku dawo ka yahay Kansaerka

Khubaro reer Norwey ah oo sheegaya in Qaadka(Jaadka) uu dawo u yahay xanuunka Kansarka(Cancer)


Khubaro reer Norwey ah oo ay madax u tahay haweenay shahaadada PHD-da ka haysata daawada ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen dheecaanka geedka qaadka ayaa waxay ku sheegtay inuu dilayo unugyada xanuunka Kansarka(Cancer Cells)

Qoraal dheer oo ay arinkaas kaga hadlayso oo ay ku soo qortay jaraa'idka "På Høyden" oo ka soo baxa wadanka Norwey ayaa haweenaydaas oo magaceeda la yidhaahdo Dr Therese Bredholt’s (PhD),ayaa baadhitaan ay mudo dheer wadeen waxay ku heshay in maado kun jirta dheecaanka qaadku ay si weyn ula dagaalanto unugyada sameeya kansarka ee loo yaqaano(leukemia).
Waxay khubaradaasi sheegeen in Qaadka oo ah geed laga isicmaalo qaybo Afrika iyo Arabiya ka mid ah ay ku jirto maado la yidhaahdo cathinone oo ah maado maandooriye ah oo le'eg kiniinka loo yaqaano amphetamine oo isna ah qayb draagiska ka mid ah.

Khubaradu waxay sheegeen in isticmaalka badan ee qaadka ay dhibaatooyin badan keenaan oo ay ka mid yihiin dhiigkar(high blood pressure),Dhiig-xidhan ama wadnaha oo istaaga(Myocardial infarction),iyo weliba xanuuno ku yimaada mindhicirada caloosha(gastrointestinal system),iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadana waxa loo isicmaali jirey geedka qaadka xanuunada Kaneecada(malaria),Hargabka ama xumada(influenza) iyo weliba xanuunada xabadka ama laabta(chest pains)

Baadhitaanka ay hadaba samaysay Therese wakhtigii ay samaynaysey takhasuska digriiga PhD ayaa waxay heshay in dheecaanka qaadku ay dilayso unugyada leukemia(Cancer),marka la barbar dhigo unugyada dhiiga cad oo aanay waxba u geysanayn,waxayna sidaas daraadeed sheegtay in arinkani uu wadada u xaadhayo in si fiican loo darso in Kansarka lagu daweeyo qaadka,oo lagu bedelo habkii hore ee lagula dagaalami jirey kansarka ee loo yaqaanay (conventional chemotherapy).

Markaa intii ay waday baadhitaabka qaadka ayaa waxay heshay maado la yidhaahdo (phenylpropanoid glycoside),taasoo ah maado aan maandooriye ahayn oo aan hore loo baadhin,waxaana haweenaydaas oo hada baadhitaan xoogan ku haysa qaadka ay sheegtay inay rajaynayso in qaadka laga soo saaro dawo lagula dagaalamo kansarka oo ah xanuun faro ba'an ku haya wadamada horumaray iyo dhamaan aduunkaba.

Arintan ayaa ka hor imaanaysa baadhitaano hore oo lagu sheegay qaadku inaanu wax faa'iido ah u lahayn dadka isticmaala cunistiisa,kaasoo dhibaatada uu soomaalida ku hayaa ay tahay wax aan xad lahayn.

Geen opmerkingen:

Een reactie posten